Flag of the Soviet Union.svg

soviet union waa mid ka mida isbahaysigii ugu mihiimsanaa ee soomara dunada intii udhaxaysay 1917-kii ilaa 1991-kii waxaanu ka koobna shan- iyo toban wadan oo kala ahaa azerbaijan-belaruz-estonia geargia-kazakhstaan-kyrgzstan-latvia-lithuania-moldova-ruush-tajikistan-turkmenistan-ukraine iyo uzbekistan halka ay caasimaduna ka ahayd moscow

intii uu socday dagaalkii koowaad ee dunidu waxa dalka jarmalku dhul ka qabsaday boqortooyadii russia taa badalkedana waxa si lamida boqortooyadii russia ay iyaduna dhul ka qabsatay dhigeeda boqortooyadii cismaaniyiinta

hadaba intii uu socday dagaalkii kowaad ee dunidu waxa ruush-ka ka abuurmay jabhad cusub oo la magac baxday bolshevik taaso ka soo horjeeday hogamiyihii xiligaa ka talinayay ruushka nicholas II iyagoo ku eedeyay inuu yahay hogaamiye digtaytara oo go,amada masiiriga kaligii gaadha isagoo aan eegayn caqabadaha ka dhalan kara, hadafka jabhaduna waxa uu ahaa in nicholas xilka laga tuuro

jabhadan cusub ee la baxday bolshevik waxa hogaamiye u ahaa vladimir lenin oo aad uga soo horjeeday xukumadii talada haysay intaa kadib jabhadii bolshevik waxa ay bilawday dhaq-dhaqaaq ka dhana xukun-kii nicholas ll , ka dib dagaalo dhex maray jabhadii bolshevik ee madaxda u ahaa vladimir lenin iyo boqortooyadii ruush-ka waxa jabhadii bolshevik gacanta ugalay gobola badan taasoo sabab u noqotay in ay si dhaqso ah looga adkaado xukunkii nicholas ll

markii uu daciifay xukunkii nicholas ll waxa uu go,aan ku gaadhay in uu talada dalka wareejiyo sidaana waxa talada dalka qabsaday ururkii bolshevik ee uu hogaaminayay vladimir- lenin

ka dib dhamaadkii dagaal waynihii kowaad ee dunida waxa uu jarmalku gabi ahaanba isaga baxay dhulalkii uu ka qabsaday ruushka si lamida boqortooyadii ruush-ku iyana waxay dib ugu celisay dhulkii ay ka qabsatay boqortooyadii cismaaniyinta halkaana waxa kusoo afmeeray dagaal waynihii kowaad ee dunida

kadib markii uu bur-buray xukunkii nicholas ll waxa ay fursad u noqotay dawladihii hoos iman jiray boqortooyada ruush-ka iyaga oo ku dhawaaqay in hada laga bilaabo ay gabi ahaanba ka madax banaan yihiin boqortooyada rushka dawladaha dib ula-laabtay madax banaanidooda waxa ay gaadhayeen sideed wadan oo ay ku jireen dawlada ukrain-finland-latvia-estonia iyo wadama kale oo badan

intaa kadib markii ay meesha ka baxday xukumadii nicholas ll talada dalkuna ay qabteen xisbigii bolshevik waxa soo if baxay xisbi cusub oo uu hogaaminayay joseph stalin oo la odhan jiray general secretary of the communist party of the soviet union (CPSU)

hadaba labadan xisbi waxa dhex maray loollan adag iyagoo isku khilaafay qaabka loo dhisi doono xukuumada cusub ee dalka iyo si lamida dawladaha madax banaanida ku dhawaaqaay qaabka loo wajihi doono ama loola macaamili doono

  • xisbiga talada hayay ee bolshevik waxa uu qabay fikrad ah in la dhiso awood is bahaysi oo wax- soosar taaso laga midaysan yahay iyada oo dawlad walibana ay awood uleedahay inay xiligay doonto ka madax-baanan karto is bahaysiga soviet-ka
  • halka uu qabay fikrad taa kaduwan xisbiga joseph stalin waxa uu qabay aragti ah in aan la tix galin madax banaanida ay sheegteen dawladihii hoos imanayay boqortooyadii ruush-ka dibna loogu soo celiyo xukun-ka ruushka si loo helo isbahaysi awood badan

labadan aragtiyood waxa ay dadku aad ula dhaceen aragtidii vladimir lenin taaso ku qotontay in la abuuro awoodo mida si la iskaga kaashado horumarinta iyo kobcinta dhaqaalaha si lamida dawlad walibana waxay xor utahay madax banaani deeda

sidaana waxa dalka ruushka markii ugu horaysay laga aas-aasay aragtida socialism-ka taaso sabab u noqotay in ruush-ku taagero wayn ka hello dawaladihii taageersana fikirkan iyo ururadii udhaq-dhaqaaqijiray, arin taasina waxaay qayb laxaadleh ka qaadatay in midawgii soveit-ku si fudud dunida ugu baaho

mudo koobanba kadib hogaamiyihii midawgii soveit-ku waxa si kadisa ugu soo booday xanuun kaaso markii danbe sabab u noqday dhimashadiisa

booskii uu baneeyay hogamiyihii soviet-ka ee vladimir lenin waxa galay joseph staline isagoo oo saa ku noqday hogaamiyihii labaab ee uu yeesho midawga soviet-ku, staline waxa uu raacay siyaasadii saxiibkisii hore ee vladimir lenin isaga oo shantii sane ugu horaysay awoodiisa inta ugu badan isugu geeyay waxsoosaar-ka warshadaha , beeraha iyo xanaanaynta xoolaha

sanad-ku markuu ahaa 1938-kii waxa socotay dabayshii dagaalkii labaad ee dunida xiligaa midawgii soviet-ku waxa uu ku hawlanaa kobcinta iyo horumarinta dhaqaalihiisa halka dalka jarmalku uu bilaabay daandaansiga dawladaha dariska la,ahaa

daandaansiga iyo isbalaadhinta uu wado jarmalku waxa ay warwar ku abuurtay midawgii soviet-ka taaso markii danbe sabab u noqotay in hogamiyihii midawga soviet-ku heshiis lagaadho dhigiisa adolf hitler oo haystay ciidaan si heersare ah loo qalabeeyay

joseph staline waxa uu heshiis kula galay jarmalka in aanu midina midka kale duulan kusoo qaadi karin waa jarmalka iyo ruush-kee arintaaso midawga soviet-ka uga dhignaa guul aad u wayn sidoo kalena u arkayay fursad uu kusii hor marin karo awoodiisa dhaqaale

halka dhinaca kale jarmal-ku isna waxa uu u arkayay fursad kale oo dahabiya oo uu ku sii weerari karo wadamadii awalba duulanka uu ku ahaa isaga oo markii hore ka cabsi qabay hadii uu duulanada dawladaha jaar-ka la,ah ruush-ka sii wado in ay mar uun is fara saari doonan midawga soviet-ka, jarmalkuna xiligaa diyaar umuu ahayn in ay dagaal toosa wada galaan midawga soviet-ka

saddex sano kadib 1942-kii jarmalku waxa uu garabka ku dhuftay heshiiskii ay wada galeen isaga iyo ruush-ku isagoo duulan ba,an kusoo qaaday dalka ruush-ka

hal mar ayuu ku baraarugay joseph staline ciidamadii jarmalka oo kusoo ruqaansanaya casimadii dalka ee mosco arintani waxa ay fajac iyo amakaag ku riday dunida sida yar ee jarmalku u jabiyay ciidan-kii ruush-ka oo ahaa awood aan marnaba cidina soo dhigan in sidaa sahalkaa lagu jabin karo

ciidankii ruush-ku waxa ay gabi ahaanba isugu tageen caasimada mosco halkaaso ay dufaac ka galeen halka ciidamadii jarmalku uu yoolkoodu ahaa inay qabsadaan caasimada mosco

hogaamiyihii midawga soviet-ka ee joseph staline waxa qasab ku noqotay in uu xeelada dagaalka wax ka badalo maadama jarmalku dagaal kadisa kusoo qaaday ruush-ka yoolkiisuna yahay in uu qabsado caasimada mosco, si aanay taasi udhicin stalin waxa uu badalay habkii ciidankiisu dagaalka ugalayeen taaso markii danbe sabab u noqotay in ciidanka jarmalka dib loo riixo ilaa laga gaadhsiinayay dalka poland

joseph stalin markuu arkay awood darida soo wajahday ciidan-kii jarmalka waxa uu amar ku bixiyay inaan halkaa lagaga hadhin ciidan-ka jarmalka si looga aar goostana waa in cagta cagta loo saara ilaa inta laga cidhib tirayo

intaa kadib ciidan-kii jarmalku waxa ay xamili waayeen culays yada uga imanayay daraf yada oo dhinac waxa dagaal ay kula jireen engriis-ka iyo faransiis-ka oo ay quwado kale barbar taagnaayeen halka dhinaca kale ciidamadii ruush-ku ay baacsanyeen hadhaadigoodi taasina waxay keentay in lagu jabiyo ciidan-ka jarmal-ka dagaalkii labaad ee dunida aakhirkiina waxa ay firxad koodi galeen caasimadii jarmal-ka ee barlin

markii uu dhamaaday dagaal-kii labaad ee dunidu waxa uu midawgii soviet dib u bilaabay in uu dib udhis ku sameeyo awoodisii dhaqaale ee kaga burburtay dagaalkii labaad iyada oo ay isa soo tarayeen dawladaha kusoo biiraya ama qaadana aragtida socializm-ka

mudo yar kadiba midawgii soviet-ku waxa uu helay awood aad u balaadhan oo dhinac walba leh arintaasi waxa ay werwer badan ku abuurtay dalka maraykan-ka iyo xulafadiisii reer europe

maraykan-ku waxa uu bilaabay in uu si dagdaga uu maal galin ugu sameeyo saaxibadiisi reer galbeed-ka ee dagaaalkii labaad ee dunida wax yeeladu ka soo gaadhay isaga oo hanti aad ubadan ugu deeqay dawladihii reer europe si meel looga soo wada jeesto aragtidan cusub ee ( socializm ) isagoo aas aasay xulafa cusub oo loogu yeedhay nato ( north atlantic treaty organization ) ujeedkeeduna ahaa si looga hortago awooda midawga soviet-ka

midawgii soviet-ka marba marka kasii danbeeya awoodiisu waa ay sii siyaadaysay isaga oo kaalinta koowaad kaga jiray wadanka dunida ugu sareeya mid ciidan iyo mid tecnolagy iyo mid dhaqaaleba isagoo noqday dalkii ugu horeeyay ee hawada sare udira dayax qacmeed

in kastuu midawga soviet-ku dhinac walba dunida ka hogaaminayay hadana waxa jirtay ceeb uu lahaa midawga soviet taaso ahayd habka uu wax umaamulo joseph staline oo ad adayg farabadan ka muuqday iyo kaligii talisnimo xadhkaha goosatay

iyadoo ay taasi jirto hadana waxa soo badanayay dareenka wanaagsan ee bulshada aduun-ku uqabaan midawga soviet-ka dawlada badan ayaa xiligaa qaatay nidaamka hantiwadaaga dawladaha qaatay aragtidii socailism-ka waxa ka mid ahaa dawladii somalia si lamida dalka cupa waxa uu qaatay nidaam-kii socialism-ka taasina waxa sabab u noqotay in uu maraykan-ku hubkiisa nuclear-ka usoo raro dalka turkiga oo xiligaa ka mid ahaa urur-ka nato

markii maraykan-ku saldhig nucleara ka samaystay turkiga ruushku isna waxa uu qaaday talaabo taa lamida isagoo saldhig nucleara ka samaystay dalka cuba arintu markay halkaa maraysay waxa ay labadooduba ku qasbanaadeen in ay heshiis nabadeed wada galaan taaso xal u noqotay xiisadii kacsanayd ee labada wadan ka dhaxaysay

intaa wixii ka danbeeyay midawgii soviet-ku waxa uu galay khilaaf siyaasadeed oo sabab uu u ahaa hogaamiyihii waaga talada hayay ee mikhail gorbachev oo bilaabay nidaam kaligii talis nimaa isagoo ciduu doonana xidha ciduu doonana xilka ka xayuubiyo isago oo aan wax sifo sharci u marin

arin tani markii ay mudo socotay waxa ay ku baahday dalka oo dhan taaso sabab u noqotay in hoos udhac wayni ku imaado awoodii dhaqaale ee midawga soviet

markii uu midawgii soviet-ku dhaqaalihiisi hoos dhac wayni ku imid waxa ay dawladihii ku jiray midawga soviet-ka ay qaaten qaraar ay dib ula noqonayaan madax banaanidoodi hoosu dhacii waynaa ee ku imid awgeed halkaasna waxa kusoo yagleelay awoodi midawgii soviet

inkastoo ay burburtay awoodi isbahaysii ee soviet-ku hadana waxa baaqi noqotay awoodi dalka ruush-ka ee kasoo hadhay midawga soviet-ka

si awooda ruush-ka meesha looga saaro reer galbeedku waxa ay kusoo rogeen cunaqabatayno farabadan si loo wiiqo awooda dalka ruush-ka

similarly post