poster solar system called star system 610324 2661

bogan waxa aanu si kooban ugu soo bandhigi doona noocyada meerayaashu u qaybsamaan anaga oo mid walba ku lifaaqayna sawirkiisa iyo macluumadka laga hayo kana soo xiganayna ilo lagu kalsoon yahay

nidaam qorraxeedku waaa meerayaal tirro badan kuwaaso ku wareega qorraxda, waxa jira intaa la og yahay saddex iyo toban meere oo isugu jira meera yaal xilli hore la ogaaday iyo meera yaal dhawaan la ogaaday, meera yaasha dhawaan la ogaaday waxa ay ka kooban yihiin shan meere halka meerayaasha kale ay yihiin siddeed meere

inner planets

inner planets waxa la isku idhaah-daa afartan meere mercury venus earth iyo mars, kuwaaso leh ooga sare oo adag sidoo kale waa meerayaasha ugu dhaw qorraxda marka loo ee go meerayaasha kale

outer planets

waxa jira meerayaal aad u waawayn kuwaaso la isku idhaa outer planets isla markaana aan lahayn oogo sarre oo adag, halka taas badal keeda ka samaysan yihiin lakabyo barafa sidoo kale waxa jira meerayaal ka samaysan gaas waaxaan kamida jupiter iyo meeraha saturn halka uranus iyo neptune ay ka samaysan yihiin lakabyo barafa

dwarf planets

dwarf planets oo loogu yeedho dunnida yar waa nidaam qorraxeed dhawaan la ogaaday,waxaana kamida meerayaasha pluto, eris, makemae, haumea, ceres, dhamaan meerayasahan waxa la ogaaday qarnigan kow iyo labaatanaad marka laga reebo meeraha pluto oo la hellay sanadkii 1930-kii

jupiter

jupiter waa meeraha ugu wayn nidaamka bah-qorraxeedka, isaga oo kow iyo toban jeer ka wayn dhulka, isla markaana dhexrroorka dhulbadhihiisu (balaca) yahay 88,846 mayl (142,984 killometers), jupiter waa meeraha shanaad marka laga imaado dhinaca qorraxda, isaga oo qorraxda u jirra massaafo dhan 483.7 million oo mayl (778 milyan oo killomitir)

saturn

meeraha saturn waa lakabyo barafa oo wareegsan, waana meeraha labaad ee ugu wayn nidaamka bah-qorraxeedka, isaga oo dhulka ka wayn sagaal jeer, cabirka dhexroorka meerahani waa 74,898 mayl (120,536 killometers), sidoo kale waa meeraha lixaad ee qorraxda u dhaw, isaga oo qorraxda u jirra massaafo dhan 483.7 million oo mayl (778 milyan oo killomitir)

uranus

uranus waa meeraha saddexaad ee ugu wayn nidaamka bah-qorraxeedka, qiyaastii waxa uu dhulka ka wayn yahay afar jeer, cabirka dhexroorka meerahani waa 31,763 mayl (51,118-killometers), waana meeraha toddobaad marka laga imaado dhinaca qorraxda, isaga oo qorraxda u jirra massaafo dhan 1.8 bilyan oo mayl (2.9 bilyan oo killomitir)

neptune

neptune waa meeraha afaraad ee ugu wayn nidaamka bah-qorraxeedka, qiyaastii waxa uu dhulka ka wayn yahay afar jeer, cabirka dhexroorka meerahani waa 30,775 mayl (49,528 killometers), waana meeraha siddeedad marka laga imaado dhinaca qorraxda, isaga oo qorraxda u jirra massaafo dhan 2.8 bilyan oo mayl (4.5 bilyan oo killomitir) neptune soddan mar ayuu ka fogyahay qorraxda marka laga qiyaas qaato massaafada dhulka

earth

earth waa meeraha shanaad ee ugu wayn nidaamka bah-qorraxeedka, cabirka dhexroorka dhulku waa 7,926 mayl (12,756-killometers), waana meeraha saddexaad marka laga imaado dhinaca qorraxda, isaga oo qorraxda u jirra massaafo dhan 93 ,milyan oo mayl (149.7 milyan oo killomitir)

venus

venus waa meeraha lixaad ee ugu wayn nidaamka bah-qorraxeedka, meerahan venus qiyaas ahaan waxa ay isleeg yihiin dhulka isaga oo mararka qaar loogu yeedha mataanka dhulka, cabirka dhexroorka meerahani waa 7,521 mayl (12,104 killometers), waana meeraha labbaad marka laga imaado dhinaca qorraxda, isaga oo qorraxda u jirra massaafo dhan 67.2 milyan oo mayl (108 milyan oo killomitir)

mars

mars waa meero gudduuda waana meeraha toddobaad ee ugu wayn nidaamka bah-qorraxeedka, isagoo leeg kala badh ballaca dhulka, cabirka dhexroorka meerahani waa 4,221 mayl (6,792 killometers), waana meeraha afaraad marka laga imaado dhinaca qorraxda, isaga oo qorraxda u jirra massaafo dhan 141.6 milyan oo mayl (49 milyan oo killomitir)

mercury

mercury waa meeraha ugu yar nidaamka bah-qorraxeedka, ila markaana waxa uu wax yar ka wayn yahay marka dhulka loo qaybiyo saddex meellood meel ahaan, cabirka dhexroorka meerahani waa 3,032 mayl (4,880 killometers), waana meeraha ugu dhaw qorraxda, isaga oo qorraxda u jirra massaafo dhan 36 milyan oo mayl (57 milyan oo killomitir)

meerayaasha dwarf

pluto

pluto waa meeraha ugu wayn meerayaasha la isku idhaahdo dwarf ee nidaamka bah-qorraxeedka, qiyaastii, cabirka dhexroorka meerahani waa 1,447 mayl (2,377 killometers), meeraha pluto balaciisu waxa uu leeg yahay marka dhulka shan mar loo qaybiyo meel ahaan, isaga oo qorraxda u jirra massaafo dhan 3.67 bilyan oo mayl (5.9 bilyan oo killomitir)

eris

eris waa meeraha labbaad ee ugu wayn meerayaasha la isku idhaahdo dwarf ee nidaamka bah-qorraxeedka, cabirka dhexroorka meerahani waa 1,445 mayl (3,326 killometers), isaga oo qorraxda u jirra massaafo dhan 6.3 bilyan oo mayl (10 bilyan oo killomitir)

haumea

haumea waa meeraha saddexaad ee ugu wayn meerayaasha la isku idhaahdo dwarf ee nidaamka bah-qorraxeedka, cabirka dhexroorka meerahani waa 1,080 mayl (1,740 killometers),meerahan haumea waxa uu toddoba jeer ka yaryahay balaca dhulka, isaga oo qorraxda u jirra massaafo dhan 4 bilyan oo mayl (6.5 bilyan oo killomitir)

makemake

makekame waa meeraha afaraad ee ugu wayn meerayaasha la isku idhaahdo dwarf ee nidaamka bah-qorraxeedka, cabirka dhexroorka meerahani waa 891 mayl (1434 killometers), isaga oo qorraxda u jirra massaafo dhan 4.3 bilyan oo mayl (6.9 bilyan oo killomitir)

ceres

ceres waa meeraha ugu yar meerayaasha la isku idhaahdo dwarf ee nidaamka bah-qorraxeedka, cabirka dhexroorka meerahani waa 599 mayl (964 killometers), meerahan ceres waxa uu saddex iyo tobban jeer ka yaryahay balaca dhulka isaga oo qorraxda u jirra massaafo dhan 257 milyan oo mayl (413 milyan oo killomitir)

similarly post