omer al mukhtaar macalinkii isku badalay halgamaaga, omer waxa uu ka soo jeeday qabiilka minifia ee dagi jiray libya iyo masar inta u dhaxaysa isaga oo ku dhashay tuulada zawiyat zanzur ee u dhaw dekedda tobruk taarikhdu markay 1858-kii isaga oo geeryooday 9-16-1931-kii kadib markii uu gacanta u galay ciidamadi gumaystaha ee talyaniga kuwaaso ku fulliyay xukun daldalaada
omer al mukhtaar aabihi waxa uu geeryooday isaga oo aad u da-yar, kadib geeridii aabihii omer waxa soo gacan qabtay nin ay saaxib dhaw ahaayen aabihii oo la odhan jiray sharif al-chariani oo ahaa caalim caana
omer markii uu koray waxa uu wax barasho ka helay madarasad maxaliya halkaas oo uu ku xifdiyay quraanka kareemka intaa ka dib waxa uu galay jaamacada jaghbub oo hoos imanaysay xarakadii suufiga ahayd ee senussi
omer al mukhtaar waxa uu caan ku ahaa kacdoonadii lagaga soo hor jeedday bahal nimada reer galbeedka isaga oo halgan aad u adag lagalay gumaystihii talyaaniga isla markaana noqday laf dhuunta u gashay gumaystaha, kaaso labaatan sanno gaashaan iyo dhufays-ba u ahaa shucuubtii libya ku dhaqnayd sidaana ku noqday geesi baal dahaba ka gala taarikhda islaamka
kadib mudo sideed sanno ah waxa uu ka qalin jabiyay jaamacadii jughbub isla markaana waxa uu si toos ugu biiray xarakadii loo yaqaanay sennussi intaa kadib waxa dib ugu laabtay magaalada tobruk isaga oo halkaa ka noqday barre (macalin)
balse sanadkii 1897-kii ayaa hogaamiyihii xarakada senussi ee la odhan jiray al mahdi ugu baaqay omer al mukhtaar in uu noqdo sheekha magaalada zawiyat al qusour ka hor intii aan la wareejin dalka sudan halkaas oo loo magacaabay hogaamiyaha sarre ee dalka sudan u fadhiya xarakada senussi
intii uu joogay dalka sudan waxa soo baxday hibadiisa hogaamineed,taaso ay u dheerayd karti iyo geesinimo xad dhaafa waana sababaha loogu bixiyay libaaxa saxaraha, sanadku markuu ahaa 1899kii ayaa mar kale loo diray dalka chad halkaas oo uu kula dagaalamay gumastihii faransiiska ee kusoo duulay dhulka chad
kadib mudo markuu joogay dalka chad ayaa dib loogu soo celiyay dalka libya gaar ahaan magaalada zawiyat al qasuor waqtigaas o uu geeryooday hogaamiyihii xarakada sennussi ee al mahdi waxaana xilka la wareegay hogaamiya cusub oo la odhan jiray ahmed al shariif
taarikhdu markay ahayd 1911-kii ayaa gumaystihii talyaanigu markii ugu horaysay soo caga dhigtay dalka libya si uu ula wareego deegamada hoos imaada libya isaga oo dagaal la galay cidamadii khilafadii boqortooyadii cusmaaniyiinta ee joogay aagaa
xiligaas oo ay sii daciifaysay boqortooyadii osmaaniyiintu taaso keentay in ciidamadii talyaanigu cagta mariyaan tirro yar oo ciidamadii boqortooyada osmaniyiinta ee joogay gudaha dalka libya, sidaas na libiya waxa ay gacanta u gashay gumaystihii talyaniga
omer al mukhtaar markii uu ka war helay cadawga kusoo duulay wadanka isla markaana qabsaday qaybo ka mida wadanka, ayaa waxa uu bilaabay omer in uu bulshada ku dhiiri galiyo in ay ladagaalamaan cadawga qabsaday dhulkooda, weedhihii layaabka ahaa ee omer dadka dareenkooda ku kicinayay waxa kamid ahaa “guul ama geeri”waynu dhiman ama sharaf baynu ku noolan
intaa kadib omer al mukhtaar waxa u suura gashay in uu abuuro koox hubaysan oo dagaal lagasha gumaystahii talyaaniga, intaa kadib omer waxa uu bilaabay dagaalo gaadmo ah oo uu kaga la beegsanayo ciidamadii arxanka darnaa ee talyaaniga
markii ay shacabkii libya ka war helleen halganka adag ee omer iyo kooxdiisu kula jiraan gumaystahii talyaaniga waxa ay iyana dhankooda ka bilaabeen halgan kale si ay garab u siiyan mujahidiinta, iyaga oo bilaabay inay sameeyaan goobo ay ugu uruurinayaan sahay iskugu jirta cuno iyo hub
mudo kadib sanad-kii 1922-kii waxa xukunka talyaaniga la wareegay kaligii taliyihii macangaga ahaa ee benito mussolini, kaaso isla markiiba amar ku bixiyay in dib gacanta loogu soo dhigo dhamaan waqooyiga africa oo uu ku sheegay in ay ahaayen dhulalkii ay ka talin jirtay boqortooyadii hore ee roman-ku
kadib mudo ay dagaalo dhex marayeen ciidanka gumaystaha iyo mujaahidiinta waxa ciidamada talyaniga awoodi waayeen in ay burburiyaan dagaal yahanadii mukhtaar,laakin taas badalkeeda ciidamadii gumaystuhu waxay sameeyeen inay beegsadaan goobihii saadka iyo taagerada maxaligii uga iman jirtay mujaahidiinta
iyagoo adeegsaday xeelado aad u arxan daran kadib markii ay xuduuda u dhaxaysa masar iyo libya ku wareejiyeen silig (taar) ay ku godoominayaan dalka si,aan cidna uga bixin cidna usoo galin iyagoo waliba ceelashii biyaha laga cabayay badi sumeeyay
intaa kumay ee kaan gabood faladii uu gumaystuhu ka samaynayay dalka libya, waxa dhisay xeryo waaweyn oo dadka maatada ah lagu ciqaabi jiray iyaga oo aan u aaba yeelayn
kadib sanado badan oo ay dagaalo ba,an ay dhex marayeen ciidankii gumaystaha iyo mujaahidiintii xoriya doonka ahaa, waxa ciidamadii talyaaniga u suurta gashay inay weerar gaadmo ah ay ku dhaawacaan hogamiyihii mujaahidinta, taas oo sabab u noqotay in la qabto omer al mukhtaar oo markan ahaa qof waayeel ah
saddex cisho uun kadib xiligii laqabtay omer al mukhtaar ayaa isla markiiba la soo taagay maxkamada gumaystaha isaga oo ay ku xukuntay xukun dilla, waxa la sheega in omer al mukhtaar uu ka dhex akhriyay aayadan maxkamada dhexdeeeda ( إِنَّا ِلِلَّٰهِ وَإِنَّا إِلَيْهِ رَاجِعُونَ,) ilahay xagisaanu kanimid isagaanan u laabanayna” kadib markii uu xukunka ku dhwaaqay qaadiga maxkamadu
16-kii septembar 1931kii omer al mukhtaar oo da,diisu ahayd 73 jir ayaa lagu hor daldalay shacab aad u badan oo ku sugnaa xeradii dadka lagu ciqaabi jiray ee suluq oo koonfur ka xigta magaalada benghazi