Joseph Goebbels mid ka midda wasiiradii ama xaashiyihii ugu caansanaa ee taliskii adolf hitler isaga oo ahaa wasiirkii dacaayada ee taliskii nasiga ahaa, joseph goebbels waxa uu dhashay taarikhdu markay ahayd 1897-kii waxa uu ku dhashay magaalada Rheydh ee carigga Jarmalka isagga oo markii danbe ku dhintay magaalada Berlin dhamaadkii dagaalkii labaad
- joseph goebbels aftahanimadisu waxay sabab u ahayd sawirkii quruxda badnaa ee shacabka jarmalku ka haysteen taliskii nazi-ga ahaa , Kadib is-dilkii Hitler Goebbels waxa uu isku dayay in uu badalo hitler ka hor intii uusan isna go,aansan in uu qudha iska jarro
goebbels waxa uu la dhashay shan caruurra, waqtigii wax barashadiisa dugsiga sarre iyo dhexeba waxa uu ku qaatay dalka jarmaka, joseph goebbels aabihii waxa uu ahaa shaqaale warshadeed
joseph goebbels waxa uu naafo ka ahaa mid ka midda luggahiisa taas oo sabab u noqotay in aanu qayb ka noqon dhalin yaradii germalka ahaa ee loo toobarayay ciidanimada, si ay uga qayb qaatan dagaal waynihii 1aad ee dunida
ka dib markii uu ka qalin jabiyay jaamacada heidelberg university1922-kii oo uu ka qaatay shahaadada doctorate and german -philology cilmigga falsafada jarmalka, xiligaa wixii ka danbeeyay goebbels waxa uu wax ku daabici jiray jariirad kasao bixi jirtay dalka jarmalka isaga oo ku qori jiray suugaanta, ruwayadaha iyo qorida sheekoyinka qaab xusuus qora
taasi waxay kor u qaaday xamaasadiisa wadaninimo isla waqtigaa uu ka hawl galayay jariirada waxa uu bartay afkaaraha socialist-ka iyo communist idea-da waa fikradaha hantiwadaaga iyo shuuciga taaso sabab u noqotay in uu si dhaqso leh uga mid noqdo dhalintii xisbigii nazi-ga ( nazi party ) ee uu hitler hogaminayay
1924-kii goebbels waxa uu saaxib dhaw la noqday dhalinyaro ka tirsan kooxda hantiwadaga qaranka national socialist, taas oo markii danbe sabab u noqotay in uu kamid noqdo xisbiga hantiwadaaga
muddo yar kadib waxa loo magacaabay maamulaha national sozialistische deutsche arbeiterpartei (NSDAP) oo marka la turjumo noqonaya natianal socioalist german workers party iyo sidoo kale tafatiraha jariiradda hantiwada aga qaranka national sociolist ee todabaadlaha ahayd, laba sano ka bacdi 1926-kii hitler waxa uu markale u magacaabay madaxa degmada barlin u fadhiya xisbiga nazi gaa
Kahor intii aan loo magacaabin goebbels madaxa u fadhiya xisbiga naaziga ah caasimada berlin xisbiga hantiwadaagu awood badan kuma lahayn gudaha caasimada berlin intaa, kadib goebbels waxa ay loollan adag wada galleen gregor strasser oo matalayay kooxda garabka bidix ee anticapitalist
goebbels waxa uu halgan u galay sidii xisbiga nazi-gu awood la isku halayn karo ku yeelan lahaa caasimada barline iyo guud ahaanba dalka isaga oo door wayn ku lahaa guushii xisbaga nazi-ga kahor intaanu xisbiga nazigu talada dalka la wareegin goebbels waxa uu bilaabay dacaayado ka dhana kooxda bidixda ah iyo si lamida kicinta dad waynaha isaga oo sameeyay mudaharadyo kuwaas oo door muhiima ka qaatay kor u kaca awooda xisbiga naziga
ka dib markii uu talada dalka qabtay xisbiga nazi gu 1933-kii goebbels waxa uu la wareegay maamulka xarumaha dacaayada qaranka isaga oo loo abuuray wasaarada wacyi galinta iyo dacaayada, waxaana sidoo kale madax looga dhigay rugta dhaqanka oo markaas uun la aas-aasay isagoo xakameeyay suuganta iyo fanka
may 1933-kii joseph goebbels waxa uu gacan ka gaystay gubidii buugta ee ka dhacday caasimada berlin taas oo buugta lagubay lagu qiyaasay 25,000 oo buug dhacdadani waxay ka mid ahayd fikradihii uu xisbiga nazi-gu kaga sifaynayay afkaarta shisheeye iyo dhaqamda yuhuuda ee gudaha jermalka
iyaga oo ardayda jermalku qayb laxaadle ka qaateen gubida bugaagta afkaarta shisheeye xambaarsan isla xiligaa buugta la gubayay waxa goobta qudbad ka jeedinayay joseph goebbels iyada oo ay dad gaadhaya 40,000 qof isugu soo baxeen goobta qudbada uu ka jeedinayay goebbells isaga oo aad ugu dhawaaqaya “xilligii caqliyada yuhuudu waa ay dhamaadeen”
aftahanimadii goebbels waxay aad ushaac baxday guuldaradii jarmalka ee magaalada stalindgrad isaga oo sameeyay dadaalo shakhsiyadeed si uu niyada ciidanka kor ugu qaado si ciidamadu ay usii wadaan halgankooda daggaalka
xaalada dalka jarmalku marba-marka kasii danbaysa way ka sii xumaanaysay iyada oo dhawr mar saraakiisha ciidanka ugu sarreeya isku dayeen shirqool (assasination) ay doonayaan in ku khaarajiyaan adolf hitler
kadib markii ciidamadii ka dagaalamayay gudaha dalka ruushka lagu soo jabiyay dagaalka waxa bilaabmatay sil-silado guuldarooyina, taas oo sabab u noqotay in ciidamii jarmalka ahaa si wayn loogu jabiyo dagaalka, sidaana loogu qabsaday magaalooyinkii waawaynaa ee dalka jarmalka
markii ay ciidamadii sovietku soo galeen bartamaha berlin, hitler waxa uu iska jarray qudha isaga iyo xaaskiisu waxaana la sheegaa in isla markiiba lagubay maydkiisa kadibna danbaskiisi lagu aasay dhulka hoostiisa, iyada oo sanadkii 1970-kii la arkay qayb kamida danbaskii oo laga dhex helay mid kamida ilkihiisii
joseph markii uu maqlay dhimashada hogaamiyihii dalka waxa uu isku dayay in uu gallo booskii adolf hitler isaga oo noqday raysal wasaraha wadanka, kadib saaacado kooban oo uu ahaa raysal wasaraha dalka jarmalka aakhirkii waxa uu isku toogtay gacantiisa isaga iyo xaaskiisii iyo waliba lix carruuray dhalleen