waa maxaay ujeedada loo aas-aasay ciidamada ilaalada kacaanka si lamida qaabkee u hawlgalaan xilimaase la dhisay yaa se dhisay ?kuwani waa suaalo ubaahan in aynu is waydiino intaynaan ka waramin macluumaad ka guud ee ciidamada ilaalada kacaanka
ciidanka kacaanka waxa la aas-aasay sanadku markuu ahaa 1979-kii si loo ilaaliyo nidaamka cusub iyo in la abuuro awood isku dheelitirta ciidamada qalabka sida ee iran
awooda ciidanka kacaanka iran
kadib dhicidii awoodi boqortooyadii shah ee katalin jirtay iran, xukumadi la wareegtay talada dalku waxa ay ogaatay baahida loo qabo in la hello ciidan cusub oo awood leh isla markaana u heellan difaaca nidaamka cusub iyo mabaadiida kacaanka
hogaamiyaashii kacaanku waxa ay diyaari yeen xeer cusub oo lagu xulanayo ciidamada caadiga iyo ciidamada milaterigaa kuwaaso loogu talagalay ilaalinta xuduuda dalka iyo amniga gudaha si lamida waxa la aas aasay ciidamo gaara oo loogu talagalay ilaalinta nidaamka dalka ka jira kuwaaso loogu yeedho pasdaran
taliyaha ciidamada kacaanka ee iran sarreeye gaas maxamed cali jacfari ayaa door laxaadle ka qaatay koru kaca awoodeed ee ciidanka ilaalada kacaanka isaga oo si wayn ugu dhaga nuglaa awaamiirta hogaamiyaha ugu sareeya ee dalka
hawsha ugu balaadhan ee ay qabtaan ciidanka ilaalada kacaanku waa in laga hortago hawlgalada ciidamada cadawgu ka samaynayaan gudaha iran iyo in ciidanka dalka laga caawiyo khataraha ka iman kara wadanka dibadiisa
tirada ciidamada kacaanka waxa lagu qiyaasa ilaa 125,000 waxaana ay leeyihiin ciidamo dhulka ah iyo cutubyo bada iyo cirka ah, iiyaga oo inta badan kormeera hubka istaraatiijiga,ah ee iran
ciidamada basij ee iran
ciidamadan waxa loo yaqaana ciidanka abaabulka ama xoogaga wadaniyiinta waxayna hoostagaan ilaalada kacaanka iran ku waaso la rumaysan yahay inay ka kooban yihiin ilaa 90,000 oo rag iyo dumarba isugu jira iyagoo awood uleh inay abaabulaan hal milyan oo mutadawiciina marka loo baahdo
shaqooyinka ugu muhiimsan ee ay qabtaan xogagan abaabulan ee basij waxa kamida in ay ka hortagaan dhaq-dhaqaaqyada ka dhanka ah maamulka ka jira gudaha iran, sidii dhacday sanadkii 2009-kii markaaso ay rabshado ka dhaceen gudaha iran kadib markii lagu dhawaaqay in musharax maxamuud axmed najaad ku guulaystay doorashadii iran kadhacday markaasoo ay xoogaga basij awood kaga hor tageen banaan baxyadii lagu taageerayay musharixii kale ee mir hossein mousavi
ciidan-ka qudus
ciidamada qudus ayaa ah cudud ka tirsan ciidamada kacaanka ,iyaga oo fuliya hawlgalo xaasasi oo ka dhaca dibada, sida hub iyo tababaro ay siiyaan kooxaha ay taageerto dawlada iran sida ururka xisbullah ee ka dhisan konfurta lubnaan iyo kooxaha shiicadee ka jira ciraaq wixii ka danbeeyay duulankii maraykanka ee ciraaq
taliyahii hore ciidamada qudus general qasem soleimani oo hogaamiyaha ugu sareeya ee ali khamani ku tilmaamay shahiid nool ayaa qayb wayn ku lahaa dhisida shabakad ururo ah oo daad san yemen ,ciraaq ilaa suriya
samaynta ciidanka ilaalada kacaanka
ciidanka ilaalada kacaanka ayaa xidhiidh toosa la leh hogaamiyaha sare ee dalka oo haya xilka talyaha ugu sareeya ee ciidanka xooga dalka isaga oo awoodisa u adeegsada fidinta awooda iyo xoojinta awooda ciidanka
waxa la rumaysan yahay in ilaaladani gacanta ku hayso saddex meelod meel dhaqaalaha iran iyaga oo gacanta ku hayaan haayado badan , lacago samafal ah iyo shirkado ka shaqeeya dhinacyo kala duwan, waana hayada saddexaad ee ugu qanisan gudaha dalka iran
doorka dibada
ciidanka ilaalada kacaanka ayaa ka tiro badan ciidanka caadiga ah ee iran, waxaana loo arkaa inay yihiin cudud ciidan oo xoog leh iyagoo inta badana waxay gudaha iyo dibada ka fuliyaan hawlgalo waawayn
ciidamada ilaalada kacaanka iran ayaa intii uu socday dagaalkii sokeeye ee suuriya ka dhacay ayaa waxa ay ku waayen qaar kamida taliyayaal sar sare waxana ka mid ahaa taliyihii ciidanka ilaalada ee suuriya general hussein hamedani xiliyadii ay dagaalada ba,an ka socdeen dalka suuriya gaar ahaan baadiyaha xalab
waxa kale oo la aamin san yahay in ilaalada kacaanku basaasin ku leeyihiin safaaradaha iran ee calamka ku kala yaala iyaga oo hawshoodu tahay hawlgalo sirdoon iyo in ay ka dhex abuuran guda dalka xulafo taabacsan dalka iran
ciidankan ayaa hub iyo dhaqaale maali yadeedba ugu deeqa xulafadooda degan bariga dhexe oo ay kamid yihiin xulafada ciraaq ,suuriya iyo xulafadooda ay ku leeyihiin gudaha yemen kuwaaso dhamaantood daacad u ah iran