Idi Amin at UN United Nations New York gtfy.00132 scaled

general idi amiin dada waxa uu ahaa madaxwaynihii ugu caansanaa ee soo mara dalka ugandha isaga oo soo noqday sarkaal sare oo ciidanka ugandha isaga oo ka soo jeeday qoys muslina waxaana uu noqday madaxwaynihii saddexaad ee dalka ugandha soo mara, intii uu xilka hayay waxa uu saameeyay taarikh caan baxday iyo tacadiyo baaxad leh isago cagta mariyay dad lagu qiyaasay nusmilyan qof

idi amin dada waxa si wayn loogu xasuusta siyaasadihiisi uu kaga soo hor jeeday reer galbeedka iyo yahuuda

idi amin dada waxa uu ku dhashay gobalka koboko taarikhdu markay ahayd 1928-kii waxa yaraantisii la qoray malcaamd quran, isaga oo ay soo barbaarisay hooyadii sanado kadib waxa uu galay dugsi kale oo luuqada ingrisaga isago ka gaadhay fasalka afaraad

taarikhdu markay ahayd 1946-kii idi amin dada waxa uu ku biiraay ciidamadii hoostagi jiray gumaystihii ingriis-ka ee la odhan jiray king african reifle waxaana la sheega in idi amin dada uu bilawgii hore noqday shaqaale cuntada u sameeya ciidanka ilaa intii laga dalacaysiinayay oo uu kanoqonayay askari caadiya

gumaystii ingirisku waxa uu ku amray guutadii uu ka tirsanaa idi amin dada inay duulan ku qaadana kenya oo markaa uu ka talinayay ingriis-ku si ay ula dagaalamaan jabhadii loo yaqaanay mua mua-ga ee xoriya doonka ahaa sidoo kale waxa ay dagaal lagaleen jabhadii somalida ee gobalka nfd amba waqooyi bari ee kenya dagaalkaaso loo yaqanay dagalkii falaagada colaadasi dad badan oo somaliya ayaa lagu gumaaday xiligaas

mudo kadib idi amin dada waxa lagu soo celiyay dalka ugandha isaga iyo ciidan-kii ku sugnaa dalka kenya sanadkii 1959-kii isla sanad-kaa waxa loo diray dagaal beeledyo ka socday deegaano ka tirsan ugandha si uu gacan adag ugu qabto

hawlgaladaasi kadib idi amin dada waa la dalac siiyay isaga oo garbaha loo sudhay darajada ugu saraysa ee ingris -ku siiyay sarkaal africana

ka dib xornimadii dalka ugandha 1962-kii waxa idi amin dada loo dalacsiiyay talyo ku xigeen-ka ciidanka qalabka sida ee ugandha mudo sanada,ah kadib waxa hadana markale loo dalac siiyay talyaha guud ee ciidan-ka dalka ugandha

taarikh-du markay ahayd 1965-kii idi amin dada iyo raisal wasarihii dalka ugandha milton obote waxa lagu soo eedeeyay in ay foolka maroodiga iyo dahab-ka dalka congo ay kaga badalan jireen hub iyo rasaas halkaaso ay ka jireen jabhado nabad diida

idi amin dada waxa lasheega intii uu xilka hayay in uu qortay tira badan oo ciidamaa oo ka soo jeeda deeganada uu asalahaan ka soo jeedo ee waqooyiga iyo galbeed-ka ugandha sidoo kale waxa la sheega inu tiro ciidana ka qortay koonfurta sudan taasi waxay dhalisay in ay kala shakiyaan raisal wasarihii marka dalka ka talinayay ee milton obote

kadib markii uu khilaaf soo kala dhex galay general idi iyo raisal wasarihii dalka milton obote waxa uu idi go,aan saday in uu af gambiyo xukun-kii mr obote, taarikhdu markay ahayd 25-feb-1971-kii idi amiin dada waxa uu inqilaab milatery kula wareegay dalka ugandha halka mr obote safar ku aaday singapore oo ay marka ka jirtay shirmadaxeed-kii wadamada hodanka ah

idi amin dada oo ahaa sarkal-ki hogaaminayay inqilaabka ayaa ka hadlay idaacada qaranka isagoo sheegay inu afgambiyay dawaladii uu ka talinayay madaxwayne obote isago ku eedeeyay musuq maasuq iyo is daba marin baahsan hadaladii uu radia aha ka sii dayay waxa ka mid ahaa mr obote waxa uu soo noqon dona isagoo shacaba balse ma soo laaban doono isagoo madaxa

kadib makii uu si buuxda talada dalka gacanta ugu dhigay waxa uu waxa uu sheegay inaanu ahayn nin danaynaya xukun-ka dalka balse uu doonayo inuu dalka ka nadiifiyo musuq maasuqa iyo maamul xumada laga dhaxlay dawladi hore isagoo intaa ku daray in uu talada dalka gacanta u galin doono dadka rayidka ah

waad arki doontaan anigoo xilka ku wareejinaya madaxwaynaha cusub ee talada dalka la wareega oo aan waliba salaan siin-doono taas waad arki doontaan waad aki doontan waa weedhihii uu ku af gobaadsanayay dad-kii rayidka ahaa

dawladaha reer galbeed-ku intii hore waa ay taagereen xukun-ka idi amin dada iyagoo ka cadhaysnaa talaaba uu hore u qaaday raisalwasaarihii hore ee milton obote oo 1960-kii amar ku bixiyay in lala wareego hantidii iyo shirkadihii ay dadka ingriisku ku lahaayen dalka ugandh

idi amin dada waxa uu ahaa kaligii taliye aanay dawladiisu lahayn golayaal baarlaman, kaligii ayayna ku ururur sanayd awooda maamul ee dalku

sanad-kii1972-kii idi amin dada waxa uu qaatay go,aan uu wadan-ka uga saarayo dhamaan ajanibta iyo shirkadaha ganacsiga ku leh dalka ugandha isagoo u qabtay muddo sadex bilooda inay kaga baxaan dal-ka hadii kale waxa uu ku hanjabay in lafahooga lagubi doono

intaa kadib waxa uu ku dhawaaqay olale uu ugu magac daray economic war isaga oo cilaaqad-ka u jaray ingriis-ka oo ahaa saaxib-ka ugu wayn waxaana uu la wareegay dhamaan hantidii dad-ka ingiriska ay lahaayen ee taalay gudaha ugandha

mar-kii warkaasi ka soo yeedhay genaral idi amin dada waxa ay walaac iyo isku dhex yaac farabadani ay soo food saartay 65,000 oo janiba oo badan koodu ka soo jeeday asia xiligaa xaaladu aad-bay u cakirnayd dhamaan tareenadii dalku lahaa way joojiyaen tigidhadii dad-ka oo aad u badnaa sidoo kale ma jirin diyaarad laga helayay hal kursi oo banaan

general idi amin dada waxa uu aad ugu cel-celinayay hadii ay ku bixi waayan ajaanib-tu mudada loo qabtay waanu gubi doona, taasi waxay mar kale warwar iyo walbahaar ku abuurtay dad-kii ajaanib-ta ahaa

idi amin dada waxa uu gabi ahaanba xidhiidh-ka u jaray dawladihii reer galbeed-ka iyo isra-il isagoo taa badalkeeda xidhiidh cusub la yeeshay midawgii soviet iyo hogaamiyihii libya muammar al gaddafi oo dhaqaale badan ku taageray idi amin dada intii uu talada hayay

idi amin dada marka uu ka hadlayo fagaarayaasha waxa uu aad ugu doodi jiray carabta iyo dadka madawga ah

waxa jira war bixin ay soo saartay haayada xuquuqda aadanaha intii uu hayay xukun-ka dalka in taliska idi amin uu gaystay xadgudubyo baahsan iyada oo la sheego in gacantiisa ay ku baxeen dad gaadhaya tiro lagu qiyaasay nus-milyan qof oo shacab u badan iyo dad xukun-kiisa ka soo hor jeeday

sanad-kii ugu danbeeyay ee xukun-ka general idi amin dada 1979-kii waxa dalka ugandha soo wajahay dhaqaale xumo baahsan kadib marki uu bur buray dhaqaalaha wadan-ku waxaana aad u yaaraday taagerayaashi dawlada iyada oo ay baxsadeen qaar badan oo saraakiishii ugu saraysay ah

intooda badana waxa ay galeen wadan-ka tanzania halkaas oo ay ka abaabuleen jabhado kasoo horjeeda xukun-ka idi amin dada intaa kadib waxa uu qaatay go,aan ahaa in uu dagaal ku qaado tanzania waxaanu ka qabsaday dhul katirsan tanzania isago ku soo daray xuduuda dalka ugandha

taarikhdu markay ahayd 1979-kii madaxwaynihii tanzania waxa uu amar ku bixi yay indagaal lagu qaado ciidamadii ugandha ee qabsaday qaybo kamida tanzania iyaga oo ay wahelinayaan jabhadii kasoo hor jeeday xukun-ka idi amin dada

kadib dagaal qadhaadh oo dhex maray ciidamadii idi amin dada iyo ciidan-kii tanzania oo ay wehelinayaan jabhado kasoo goostay taliskii idi amin dada, waxa jab aad u fool-xun loo gaystay ciidan-kii idi amin dada iyaga oo fir xadkoodi soo galay casimadii dalka ,idi amin dada mar-kuu arkay jabka ciidankiisa soo gaadhay waxa uu war baahinta dalka la soo istaagay hadalo dabacsan oo uu ku beerlaxawsanayo madaxwaynihii dalka tazania iyo jabhadihii ka garab dagaalamayay, laakin arin taasi way u socon wayday general idi amin isagoo madaxwaynihii tanzania ku macneeyay hadaladii general idi qaar u eeg ilmada yaxaas-ka

intaa kadib ciidamadii tansania waxa ay gudaha u galeen caasimadii wadan-ka ugandha ee kampala iyaga oo gabi ahaan-ba cagta mariyay ciidan-kii dalka ugandha, intaa kadib general idi amin dada waxa uu qaatay go,aan uu naftiisa ku bad-baadinayo isaga oo raacay diyaarad helicoptera halkaasi oo uu ugu anba baxay dalka libya isagoo ugasii hayaamay boqortooyada sucuudiga oo uu magan galyo siyaasadeed ka helay halkaasi oo uu aakhir-kiina ku nafbaxay sanad-ku markuu ahaa 2003-dii isaga oo lagu aasay isla sucuudi arabia

idi amin dada waxa uu guursaday intii uu noola lix haweena isago ka tagay 43tan caruura

similarly post