photorealistic refugee camp 23 2151446330 1

halkan waxa aanu kaga warami doona mid ka midda xasuuq yadii ugu xumaa ee soo mara taarikhda aadanaha waana xasuuqii ka dhacay dalka rwanda kaas oo u dhexeeyay labada qoomiyadood ee tutsi iyo hutu-ga ku waaso wada degga dalka rwanda
xasuuqan rwanda oo sidoo kale loo garan og yahay xasuuqi ka dhanka ahaa qoomiyada tutsi-ga oo dhacay intii u dhaxaysay 7 april ilaa 19 july 1994-kii, kadib markii ay ka dhaceen dagaalo sokeeye oo ay ku le,deen boqolaalkun oo ruux halka tirro intaa kabadan ay ka qaxeen guryahoogii

taarikhdu markay ahayd sanadkii 1990-kii jabhada wadaniga ah ee rwanda ee loo yaqaanay rwandan patriotic front (rpf) oo ka soo jeeday dadyawaga tutsi-ga ee ku sugan daafaha dalka ayaa ka soo duulay saldhiga ay ku lahaayen dalka ugandha halkaas oo ay in muddo ah ay ku sugnaayeen ilaa markii danbe ay ka soo qaaden weerar ka dhan ah xukuumadii dalka rwanda oo markaa gacanta ugu jirtay qoomiyada hutu-ga

dagaal sokeeye oo qaatay saddex sanno oo xidhiidha oo ay labada dhinacba wax yeeloyin badan ka soo gaadhen ayaa aakhirkii waxa lagu heshiiyey in labada dhinacba ay isla qaataan heshiis nabadeed oo ay soo qaban qaabiyeen ururka midawga africa kaas oo ka dhacay dalka tanzania sanadkii 1993-kii sidaana waxa lagu soo gabagabeeyay dagaalkii sokeeye ee rafaadiyay dalka rwanda

6-april-1994-kii waxa dalka rwanda ka dhacay dhacdo badali doonta dhamaan xaalada rwanda kadib markii gantaal lagu dhuftay diyaarad ay saarnaayeen madaxwaynaha dalka rwanda mr juvenal habyarimana iyo sido kale madaxwaynaha dalka burundi mr cyprien ntaryamira taas oo sabab u noqotay in ay ku dhintaan labada madaxwayne halkaa

dhimasha madaxwaynaha rwanda ee juvenal habyarimana oo ka soo jeeday qabiilka hutu-ga waxa dusha loo saaray jabhada rpf ee matalaysay qoomiyada tutsi-ga
taasina waxa ay meesha ka saartay heshiiskii dhawaan ay wada gaadheen jabhadii matalaysay qoomiyada tutsi-ga iyo xukumadii dalka oo ay hutu-gu ugu badnaayeen

maalin kadib dhimashadii madaxwayne juvenal habyarimana oo aan si rasmiya loo xaqiijin cidda ka danbaysay dilkiisa ayaa qoomiyada hutu-gu ku dhaqaaqeen falal ay ugu aar gudayaan madaxwaynaha sidaana waxa ku bilaab may dilalkii lagu beegsanayay dadka tutsi-ga

qoomiyada hutu-ga oo ka cadhaysan dhimashada madaxwaynahooga isla markaana u aanaynaya in ay ka danbeeyeen qoomiyada tutsi-ga iyo xubno kamida madaxdii ugu saraysay ee dawlada oo ahaa hutu-ga ayaa waxa ay ku bilaabeen ugaadhsii arxandara-ah

boqol maalmood gudahood waxa qoomiyada tutsi-ga laga dilay dad u dhaxeeya shanboqol oo kun ilaa hal milyan oo qof.
sidoo kale waxa kufsi wadareed loo gaystay ku dhaw nusmilayn haweena iyada oo ay barakaceen malaayin ruux isla markaana la baabiiyay tuuloyin iyo magaaloyin dhan

jabhadii rpf ee ay lahaayeen qomiyada tutsi-gu waxa ay si degdega u bilawday in dagaal la gasho arxan laawayaashii gumaadka ka waday dalka rwanda ee ka soo jeeday qoomiyada hutu-ga oo ay hormuud u ahayd xukumadii dalka ka talinaysay

nasiib wanaag jabhadu way ka adkaatay arxanlawayaashii iyada oo la wareegtay dhamaan goobihii ay ka talinaysay xukumadu sidaana waxa ay ku soo af jareen xasuuqii ba,naa ee lagu hayay qoomiyada tutsi-ga

intaa kadib hogaamiyashi dawlada iyo dhagar qabayaashii ku lugta lahaa xasuuqu waxay ay miciin bideen in ay u cararaan dalka zaire oo hada loo yaqaano jamhuurida congo .
jabhadii rpf ee matalaysay qoomiyada tutsi-gu markii ay qabsatay talada dalka waxa ay ka fogaadeen in ay sameeyan ficilo aar gudasho oo ka dhana qoomiyada hutu-ga
laakin taa badalkeeda waxa ay bilaaben in ay ugaadh sadaan madaxdii iyo dadyawgii ku lugta lahaa xasuuqii ba,naa ee lagula kacay dadyawga tutsi-ga

sanadkii 1996-kii dawladii uu gadhwadeenka u ahaa madaxwaynihii pasteur bizimungu ee ka tirsanaa jabhadii la wareegtay dalka ee tutsi-ga ahayd ayaa waxa uu duulan ku qaaday xerro qaxoontii oo ku taalay dalka zaire ee hada loo yaqaan jamhuriyada congo isaga oo ku raad jooga madaxdii hutu-ga ee ku lugta lahaa xasuuqii rwanda iyo boqolalkun oo qof oo hutu-ya isla markaana lagu tuhunsanaa gabood faladii foosha xuma ee ka dhacay rwanda

dib u milicsi taarikhda qoomiyadaha rwanda

dadkii ugu horreyay ee degga dalka rwanda waxa lagu sheega inay ahaayen qomiyada twa iyo qayb kamida ugaadhsatada pygmy oo deggay aagaa intii u dhaxaysay 8000 bc ilaa 3000 bc iyaga oo ilaa hada deggan dalka rwanda

sidoo kale intii u dhaxaysay 700 bc ilaa 1500 bc waxa dalka rwanda soo gaadhay kooxo ka mida bantu-ga ku waaso kala ah hutu-ga iyo tutsi-ga iyaga oo bilaabay in beero ay ka samaystaan meelihii ay salka dhigteen

taarikh yahanada qaar ayaa qaba in dadka tutsi-gu aanay ka tirsanayn qoomiyada bentu-ga oo inta badan lala xidhiidhiyo qoomiyada hutu-ga laakin hadana hutu-ga iyo tutsi-gu waxa ay ku wada hadlaan luuqada bentu-ga ee loo yaqaano banyarwanda

waxa dalka rwanda ka jirtay boqortooyo guuna oo qarniya badan ka talinaysay dalka rwanda taas oo ay madax u ahaayen qoomiyada tutsi-gu
intii u dhaxaysay sanadadii 1853-kii ilaa 1895-kii boqorkii talada hayay ee kigeli rwabugiri ayaa boqortooyadiisi u fidiyay galbeedka iyo waqooyiga taaso keentay in ay ka cadhoodan dadkii hutu-ga ee degana aaga halkaana waxa ka bilaabmay xifaaltan dhuleed oo ka dhexeeya hutu-ga iyo tutsi-ga

shirkii ka dhacay berlin sanadkii 1884-kii ee la odhan jiray berlin confrence ee dawladihii reer europe ku kala qaybsanayeen dhulka africa ayaa waxa uu jarmalku ku qabsaday labada dal ee dariska ah ee rwanda iyo brundi kaaso markii uu soo caga dhigtay dalka rwanda isbahaysi la galay boqortoyadii ka talinaysay dalka rwanda

boqorkii rwanda ayaa gacma furan kusoo dhaweeyay ciidamada gumaystaha
isaga oo uga fa,idaysanaya in uu balaadhiyo maamulka boqortoyadiisa isaga oo adeegsanaya awooda ciidanka gumaysataha

siyaasada gumaystaha germalku waxa ay ahayd in uu dalka ka xukumo daaha dabadiisa isga oo usoo maraya boqortoyada tutsi-ga.
gumaystaha germalku waxa uu inta badan doorbidi jiray dadka tutsiga isaga oo u arkayay in ka nasabsareeyan dadyawga hutu-ga.

kadib dhamaaadkii dagaalkii kowaad ee dunida dalka rwanda iyo dalka brundi waxa la wareegay ciidamadii belguim-ka iyaga oo bilaabay in ay xoog ku xukumaan bulshooyinkii degana halkaas
waxa la sheegaya intii ay katalinayeen ciidamada belguim-ku dalka rwanda in ay kor u qaadeen dhaqaalaha dalka rwanda

gumaystihii belguim-ku waxa uu soo saaray nidaam cusub oo dalka loogu kala saarayo qoomiyadaha iyada oo qoomiyad walba la siinayo kaadh lagu garto taasina waxa ay kala soocday dad yawgii isku dhex jiray ee rwanda
waxa dalka rwando ku noola ilaa sadex qoomiyadood kuwaas oo kala ahaa

  • qoomiyada hutu-ga oo ahayd boqolkiiba afar iyo sideeten
  • qoomiyada tutsiga oo ahayd boqolkiiba shan iyo toban
  • qoomiyada twa oo ahayd boqolkiiba hal

kacaankii qoomiyadaha rwanda

kadib markii uu dhamaaday dagaalkii labaad ee dunidu waxa kor u kacaay dhaqdhaqaaqa xoriyada ay dad yawga africa ku dalbanayeen madax banaanidooda

sidaa darteed dalka rwanadana waxa uu ka mid ahaa wadamada dalbanayay madaxbanaani taaso ay daba ka wadeen qoomiyadihii degana dalka rwanda

intaa wixii ka danbeeyay waxa bilaabmay is hayb-sooca qoomiyadaha rwanda ku wada noola gaar ahaan hutu-ga iyo tutsiga-ga oo si wayn u sii kala fogaanayay taas oo ay sabab u ahayd gumaystihii belguim-ka oo u janjeedhsamay dhinaca qoomiyada hutu-ga taasina waxa ay keentay in qoomiyada tutsi-gu dalbadeen madax banaani gaara oo ay dalka intiisa kale ka gaar noqonayaan

1-november-1959-kii waxa dhacay isku day dil lagu doonayay in lagu khaarajiyo maxad hoosadkii qomiyada hutu-ga
kadib markii ay soo weerareen taagerayasha xisbiga tutsi-ga ee mbonyumtwa

isla markiiba waxa faafay warar been abuura oo sheegaya in la dilay madax hoosadkii hutu-ga
warkan been abuurkii waxa uu soo dadajiyay kacaankii isir sifaynta ee ugu horeeyay ee ka dhaca dalka rwanda

dad yawga hutu-gu waxa ay bilaaben in ay ugaadhsadan dadka madaxda ah ee tutsi-ga iyo dadka rayidka caadiga ah
dhinca kale dadka tutsi-gu waxa ay bilaabeen iyana weeraro ay kaga hortagayaan dadka hutu-ga taasina waxa keentay in labada qomiyadood toos isku farasaaran

makii uu bilaabmay dagaalka sokeeye ee u dhexeeya hutu-ga iyo tutsi-ga gumaystaha belgium-ku waxa uu bilaabay in uu badhisaaro qomiyada hutu-ga halkii uu dhex ka noqon lahaa taaso uu u jeedada ugu wayn ee uu kalahaa ay ahayd in uu meesha ka saaro boqortoyada tutsi-ga

muddo kadib waxa suurta gashay in meesha laga saaro boqortoyadii tutsi-ga waxaana maamulkii belgium-ku ku badalay xukumad ay u badan yihiin dad yawga hutu-gu
waqtigan uu socday isir sifaynta ama kacaanka qoomiyadaha rwanda dadka tutsigu badiba waxa ay u qaxeen wadamadii jaarka ahaa iyaga oo ka carararya isir sifaynta ay wadaan dadka hutu-gu oo garab ka helaya maamulka belgium-ka

sanadkii 1960-kii waxa la aqoonsaday dalka rwanda oo markan gacanta ay ku hayaan dad yawga hutu-gu, halka dad yawga tutsi-gu badan koodiba ay ka haajireen dalka

dad yawgii tutsiga ahaa ee ku sugnaa dalka dibadiisa waxa ay bilaabeen in ay samaystaan kooxo hubaysan kuwaaso weeraro gaadma ah ka fulinayay dalka gudahiisa
taasi waxa ay sii laba jibaartay muhaajirnimadii dadyawga tutsi-ga oo awalba laga tiro iyo cududba wayna iyaga oo laga dilay dad ka badan tobonkun oo qof

dagaalkii sokeeye ee dalka rwanda

bishii october 1990-kii jabhadii rwanda ee la odhan jiray rwandan patriot front (rpf) oo uu hogaaminayo rwigyema ayaa gudaha u galay dalka rwanda iyaga oo ka imid dalka ugandha
kadib dagaal socday sadex cisho waxa lagu dilay hogaamiyihii jabhada ee rwigyema

ciidama dalka rwanda waxa ay garab buuxa ka helayeen dawlada faransiiska oo usoo dirtay ciidamo ka caawiya weerarada kaga imanaya jabhada (rpf)
ka dib markii la dilay hogamiyihii jabhada waxa xilka la wareegay poul kagame oo ahaa ku xigeenka hogamiyihii la dilay

poul kagame waxa uu sameeyay dib ugurasho isaga dib ugu siqay buuraha ugandha ee virunga halkaas oo ahayd aag istratijiya oo ku haboon ciidamada
poul intii uu joogay aaga waxa uu sameeyay dibu habayn ciidan oo wayn iyo dhaqale ururin kor loogu soo qaadayo kooxda

bishii janayo 1991-kii poul kagame waxa uu weerar ku soo qaaday magalada ruhengeri ee waqooyiga dalka
jabhada rpf ayaa gabi ahaanba la wareegtay magalada iyaga oo haystay hal maalin
intaa kadib waa ay ka baxeen magaladii iyaga oo ku noqday buurihii

sanad kadib jabhada uu hogaaminayo kagame waxa ay bilaabeen weeraro kudhufo ka dhaqaaq ah taasina waxa ay keentay in sanadkii 1992-kii ay wada fadhiistan jabhada rpf iyo dawladu halkaana waxa lagaga dhawaaqay xabad joojin
iyada oo sanadkii xigay loo fadhiistay heshiiskii lagu qabtay dalka tanzania ee arusha accords

hadaba intii lagu guda jiray wada hadaladii nabadaynta labada dhinac
ayaa waxa si lama filaana u bilaabmay olale wayn oo ka dhana tutsi-ga kaas oo ay samaynayeen dadyawga hutu-gu

arintaasi waxa ay ka cadhaysiisay jabhadii tutsi-ga ee uu hogaminayay poul kagame
sidaana waxa meesha uga baxay wada hadaladii labada dhinac lagu nabadaynayay iyada oo jabhadii kagame ay qaadeen weeraro waawayn oo ay ku qabsadeen dhul aad u balaadhan

markii ay rabshaduhu sii balaadhen waxa hadana markale dib loo bilaabay wada hadaladii nabadeeb
iyada oo markan lagu heshiiyay in jabhada rpf jagooyin ku meel gadha laga siiyo dawlada

bilawga xasuuqa

kadib dhimashadii hogamiyihii dalka rwanda mr juvenal habyarimana waxa dhashay curashada xasuuqii aadka u foosha xumaa ee rwanda kaas oo lagu tiriyo mid ka mida xasuuq yadii soo mara dunida kuwoogii ugu xumaa

sacado yar kadib dhimashadii madaxwaynaha waxa xilka si ku meel gaadha ula wareegay nin lagu magacaabi jiray theoneste baggosoro oo asal ahaan ka soo jeeday qoomiyada hutu-ga kaas oo markiiba soo saaray qawanin uu ku banaynayo dhiiga tutsi-ga

boggosaro waxa uu isla markiiba xidhiidh la sameeyay koox xagjir ahayd oo la odhan jiray interhamwe oo ka soo jeeday qomiyada hutu-ga waxaana uu faray in ay si degdega u hawlgalaan

waxa jiray madax sarsare oo loo tirinayo xasuuqii ka dhacay rwanda waxana ka mid ahaa hogamiyashii maamul goboledyada iyo sidoo kale wasiirkii gaashandhiga ee augustin bizimana

silamida talyaha ciidama baaratroops mr aloys ntabakuze iyo madaxa ilaalada madaxtooyada mr protais mpiranya iyo waliba ganacsade felicien kabuga waxa ay maal galin ku taageren kooxihii xad jirka ahaa ee interhamwe ee xasuuqa ku hayay qoomiyada tutsi-ga

xasuuqiii ka dhacay caasimada kigali ee rwanda waxa loo anaynayaa in ay ka danbeeyen ciidamada mataxtooyada iyaga oo ka caawiyay kooxihii xagjirinta ahaa ee intarhamwe iyo impuzamugabi kuwaaso jid gooyoyin dhigtay dhamaan casimada oo dhan

qofkasta oo damca in uu ka gudbo jidgoyada waa in uu la soo baxaa kaadhka aqoonsiga kaas oo lagu ogaan karayay jinsiyada uu qofkani ka tirsanyahay taasina waxa ay keentay in dadka tutsi-ga ah si fudud loo ugaadhsado

sidoo kale maleshiyaadku waxa ay bilaaben in ay guryaha baadhan iyaga oo raadina dadyawga tutsi-ga arintasi waxa ay keentan in guryaha dhexdooda lagu dilo dadyaw aad u badan oo tutsiya isla markana la bililiqaysto hantidooda

intabadan meelaha ka baxsan magaloyinka waxa wax xasuuqayay dadka rayidka caadiga ah ee hutu-ga iyaga oo raacayay amarada ka soo baxaya madaxda sarre ee hutu-ga
dadyawga hutu-ga iyo tutsi-gu waxa jiray deegana badan oo ay wada deganayeen kuwaaso sahashay markii danbe in dadka tutsiga oo aad laga tirabadna si fudud loo u gaadhsado

sidoo kale cidamada dawladu waxa ay dadka hutu-ga ku dhiirigalinayeen in ay qaatan hubka fudud sida baangaha , budhka iyo toorayda iyagoo sidoo kale ku dhiiri galiyay in ay kufsadaan dumarka tutsi-ga sido kalena ay dhacaan hantidooda

waxa faraha ka sii baxay dilka loo gaysanayo dad tutsiga iyada oo meelaha ugu badan ee uu ka dhacay xasuuqu ahaa meelaha miyiga ah oo ay dadku wada deganaayen isla markana dadku ay isyaqaanen taaso sahashay in ladilo badiba tutsi-gii degana meelaha miyiga ah

markii uu dilku farabatay waxa meelwalba oo magalooyinka rwanda ka tirsan lagu arki karayay maydad aad ufara badan ilaa markii danbe ay gaadhay in kumanan kun oo mayda la raaciyo webiga kagera ee mara xadka u dhaxeeya rwanda iyo uganda kaas oo ku qulqula harada wayn ee victoria

markii ay bilaabmatay in maydadka lagu qubo webiga kagera waxa ay saamayn wayn ku yeelatay shirkadihii ganacsiga ee kaluunka ka soo saari jiray harada victoria
kadib markii ay diideen dad yawgii isticmali jiray cunida kalunka iyaga oo ka baqay in ay cuduro ka qaadan kaluunka, maydadka farahaban ee lagu soo qubay awgeed

markii jabhadii tutsi-gu qabsaty gobalada barri iyo waqooyi waxa yaraaday dilalkii iyo xasuuq yadii loo gaysanayay dadka tutsi-ga in kastoo la sheego in dadyawgii tutsi-ga ahaa ee meesha degana banad koodi la laalayay
dadyagii hutu-gu waxa ay ka carareen gobihii ay soo degeen jabhadii tutsi-gu iyaga oo ka baqaya in laga aar guto

sadex iyo labatankii june askar lagu qiyaasay labakun iyo shanboqol ayaa soo galay koonfur galbeed ee rwanda kuwaaso ka mid ahaa qorshe ay hogaaminayaan cidamada faransiiska oo lagu doonayay in lagu badbaadiyo dadyawga tutsi-ga

markii ay maqleen kooxihii xasuuqa waday waxa ay si wayn usoo dhaweeyen ciidamadii faransiiska iyaga oo gawadhidoodii ku dhajiyay calanka faransiis
laakin taasi waxa ay ahayd dhagar ay ku doonayeen in ay ku u gaadhsadan dadka tutsi-ga

markii cidanka faransiisku gawadhidooda ku soo daad gureeyen dadyawaga tutsi-ga ahaa ee ka dhuumanayay xagjiriin hutu-ga
waxa mar kaliya lagu war helay kooxihii hutu-ga ahaa oo u diyaarsan in ay layaan dadka tutsi-ga ah ee cidamada faransiiska gawadhidooda saaran sidaana waxa ay ku laayeen inti yarad ee goobahas ku hadhsana ee tutsi-ga

operasion turquoise oo ahaa hawlgal lagu sugayo amniga dadka tutsiga isla markaana ay gadhwadeen ka ahayeen cidamada faransiiska ayaa loo anaynayaa xasuuqsii lagu laayay dadkii maganya doonka ahaa ee basaskood lagu dhex laayay iyo sidoo kale baxsashadii gacan ku dhiiglayasha hutu-ga oo u kala firdhaday dalalka ugandha iyo congo

intii uu socday xasuuqan ka dhanka ahaa tutsi-ga waxa dalalka gelguim-ka , maraykan iyo sidoo kale qaramada midoobay lagu eedeyay in ay ka gaabsadeen wax ka qabasha xasuuqi ka socday dalka rwanda halka dawlada faransiiskana lagu eedeyay in ay lug ku lahayd xasuuqa

taarikhdu markay ahayd 18-julay-1994-kii waxa soo idlaaday xasuuqii ba,naa ee lagu hayay dadyawga tutsi-ga kadib markii ay dalka qabsadeen kooxdii uu hogaminayay poul kagame ee rwandan patriotic front
qabsashada kooxdani waxa ay sababtay in ay qaxaan dadyaw badan oo ka tirsan hutu-gu iyaga oo ka baqaya in laga aar gutto

similarly post