genghis khan waa mid ka midda hogaamiyaashii ugu arxanka darnaa ee soo mara dunida isaga gaystay gumaad aan horre taarikhda loogu arag oo ilaa hada ku xardhan baalasha taarikhda.
hadu alleh raali ka noqdo boggan ama qaybtan waxa aanu si kooban uga warami doona taarikh nolaleedkiisi laga soo bilaabo dhalashadiisa ilaa inta uu ka fuulayay kursiga madaxtinimada anaga oo qaybaha xigga kaga ku bal balaadhin doona gabood faladii iyo tacadiyadii ay gaysatay xukumadii uu isagu horjoogaha u ahaa
genghis khan waxa uu asal ahaan ka soo jeeday qaba,il degga barriga asia ee loo yaqaano mangolka ama tataarka isaga oo ku dhashay gobolka waqooyiga barri ee khentii mountains sanadkii 1162-kii ee miilaadiga waxaana uu baqtiyay sanadkii 1227-kii ee miilaadaga
genghis khan magaciisa saxda ah waxa uu ahaa temujin isaga oo markii uu noqday boqorka mangolka la baxay laqabka genghis khan
dhalaanimadiisi
sanadka dhalashada temujin waa lagu muran sanyahay iyaga oo taarikh yahano badan ay soo xigtaan taariikho kala duwan, sida sanadadii 1155, 1162 iyo 1167-kii.
taarikh yahanada qaar waxay ka dhigaan dhalashadiisa sanadadii 1155 iyo 1167-kii oo loo yaqaano sanadka doofarka.
laakin taarikh yahanada ugu badan waxa ay isku raacen in temunjin uu dhashay sanadkii 1162-kii
si lamida waxa la isku khilaafsan yahay goobta saxda ah ee uu ku dhashay temujin laakin taaariikh yahanadu waxa ay inta badan sheegan in uu ku dhashay meel u dhaw webiga onon ee mara gobolka khentii ee ku yaal mangolia
temujin abihii waxa uu ahaa caaqilka iyo abaan duulaha qabiilka borjigin oo ka tirsan qabiilada mangolka waxana la odhan jiray yesugei sidoo kale temunjin hooyadii oo lagu magacaabi jiray hoelun waxa ay ka soo jeeday qabiilka olkhonud oo uu yesugei ka soo afduubtay iyada intaanu guursan ka hor
waxa jirra sheeko barralay badan oo la xidhiidha magaca temunjin qaabka uu ugu baxay sheekoyinka qaar ayaa sheega in markii uu dhashay temunjin uu baabacada ku hayay xinjir dhiiga taas oo ay u aamin sanaayeen in carruurta lagu arko dhalashadooda sifooyinkaa ay noqdaan halyeeyo ama dagaal yahano waawayn
yesugei iyo ho,elun waxa ay dhaleen afar wiil oo uu ugu waynaa temujin waxaana lakala odhan jiray qasar, hachiun iyo temuge iyo sidoo kale hal gabadh oo la odhan jiray temulun waxa jiray bah kale oo uu lahaa yesugei oo ka koobnaa laba wiil oo lakala odhan jirray behter oo ahaa curadka iyo belgutei oo ku xiggay
markii uu temunjin gaadhay siddeed jirr abihii yesugei waxa uu go,aansaday in uu u doono gabadh ku haboon oo uu u dhiso marka uu qaan gaadho isaga oo uga doonay qabiilka onggirat kaas oo ay inta badan iska guursan jireen qabilka mangolka
temunjin iyo abihii yesugei waxa ay u geed fadhiisteen gabadha uu dhalay odayga ugu sarreeya qabiilka onggirat oo la odhan jiray dei sechen
muhiimada ugu wayn ee uu kalahaa yesugei in uu la xidido qabiilka onggirat waxa ay ahayd si uu u hello garab iyo xulafa wayn oo uu ku tiirsado.
markii dunta la iskugu xidhay temunjin iyo borte
dei sechen waxa uu codsaday in temunjin uu joogo gurrigiisa inta laga gaadhayo xiligga guurka
yesugei markii uu aqbalay codsigii xididkiisa waxa uu u ambabaxay xagaa iyo deegankii uu ka soo jeeday si uu ugu laabto reer kiisi laakin koox kamida tataarka oo godob ka tirsanayay oo u martiyay ayaa sun ugu daray cunatadii ay u keenen iyaga oo ka aar gudanaya
yesugei markii uu cunay cuntadii waxa uu u hayaamay gurigiisi isaga oo dareemaya xaalad caafimaad darro ah.
laakin wax yarba kadib markii uu gaadhay gurigiisa waa uu geeryoday isaga oo u dhintay suntii loogu daray raashinka
geerida yesugei waxay keentay in ay burburto midnimadii qabailkii uu u talin jiray kadib markii ay isku khilaafeen cidda dhaxlaysa jagada yesugei.
xiligaa majir cid qaan gaadha oo uu ka tagay yesugei si loogu wareejiyo booskii abahood ka dhintay
markii ay arag tay hoelun in saldaladii ay dhaxalka u lahaayeen caruurteedu loo diiday inay dhaxlaan waxa ay go,aan ku gaadhay in gabi ahaanba isaga guurto deeganka ay degan yihiin.
waxaana la sheega in ay la guureen qaar kamida jilibkii hoose ee qabilka ninkeedu kadhashaya
markii ay koreen caruurtii uu katagay yesugei waxa soo if baxday khilaafka kadhex taagan labada bahood ee wada dhashay gaar ahaan temujin iyo curadka bahda kale kamidka ah ee behter oo isku haystay cida dhaxli doonta jagadii abahood.
sidoo kale behter dhaqanka mangolku waxa uu xaq u siinayay in uu dumaali karo aayadii aabo ee dhashay temunjin
markii uu sii xoggaysat khilaafka u dhaxeeya behter iyo temunjin waxa uu isku badalay cadaawad aad u xun oo midba midka kale gambadh gaaban ugu fadhiyo.
intaa kadib temunjin waxa uu qaatay qaraar ah in uu ka takhaluuso wallaalkii behter isaga oo garab ka helaya wallalkiisa ay isku bahda ahaayen ee qasar ayaa waxay weerar ku gaadmo ah ku dilleen behter
markii ay dileen behter waxa aad uga xumaatay ho,elun falkaa foosha xun ee ay ku kaceen labadeeda wiil laakin belgutei oo ahaa walalka ka yar behter kuma uu san dhaqaaqin aar gudaysho
taa badal keed waxa uu garab istaagay temunjin
soo if bixida awooda temunjin
markii uu qaan gaadhay temunjin waxa uu doontay gabadhii u doonanayd ee borte si uu u guursado dei-sechen markii uu arkay wiilkii uu sodaga u ahaa aad buu u farxay isaga oo u malaynayay in uu dhintay hada ka hor
sidaana waxa halkaa la isugu guuriyay temunjin iyo borte.
mudo kadib temunjin iyo borte waxa u wada dhashay cunugtoodi ugu horeeysay taas oo ahayd gabadh la odhan jiray qojin
ciidan gaadhay saddex boqol oo askari ayaa waxa ay soo weerareen xeradii ay ku noolayeen temunjin iyo reer koodu kuwaas oo kaxaystay xaaska temunjin iyo islanta ayada u ahayd ee uu abihii ka dhintay.
xiligaa temunjin iyo walaaladii waxa ay ku dhuumanayeen buur u dhawayd xerada ay ku noolayeen
arintan afduubku waxa ay la xidhiidhay dhacdo hada kahor uu sameeyay yesugei isaga oo soo afduubtay xaaskiisa ho,elun inta aanu guursan ka hor waana dhaqan u yara eeg kii ay soomalidu adeegsan jirtay waayadii horre ee la odhan jiray dhabar qaraaca kaaso gabadha reer kooda xoog lagag soo afduuban jiray
hadaba ciidanka soo weeraray temunjin waxa ay ahaayen qabilka ay ka oo jeeddo ho,elun oo hada ka hor yesugei xoogg kagga soo kaxaysatay reer koodda.
iyana si ay uga aar gutaan yesugei oo dhimashadiisa mudo laga joogo waxa ay afduubteen xaaskii uu qabay temunjin iyo minyaradii yesugei ka dhintay
dhacdadaa kadib temunjin waxa uu u cararay dhankaa iyo toghrul khan oo ahaan jiray garabka midig ee yesugei iyo jamukha oo ay saaxiib dhaw ahaayen temunjin ahaana nin dagaal yahana waxaana uu waydiistay garab si uu usoo badbaadiyo xaaskiisa borte.
temunjin waxa u suura gashay in uu isku keeno ciidan gaadhaya labatan kun oo askari
temunjin waxa uu qaaday weerar guulaysatay isaga oo soo ceshtay xaaskiisa oo markan marwa ah sidoo kalana xaamilo ah maalma yar kadiba borte waxay u mushay wiil loo bixiyay jochi.
jochi oo noqon doona ninka dhaxli doona boqortooyada temunjin ayaa waxa dadka badan koodu su,aal ka keeni jireen jochi in uu yahay wiilka saxda ah ee temunjin
si kastaba ha ahaate duulankii guulaystay ee ay wada galeen temunjin iyo jamucha waxay ay kor u qaaday sumcada ay ku dhex leeyihiin deeganka ay deganaayeen
wax yar kadiba jamucha iyo temunjin waxa ay samaysteen maamul ka wada dhexeeya labadooda laakin muddo yarba kadib waa ay isku khilaafen xukunka.
taasina waxa ay keentay in odayaashi mangolku kala doortan cida noqonaysa hogaamiyaha sarre
kadib markii la sameeyay codaynta waxa dadka badan koodu isku raaceen in uu temunjin ku haboon yahay madaxtinimada
sababta ugu wayn ee temunjin dadku ay ku jeclaadeena waxa ay ahayd sida taarikh yahanada qaar sheegan waxa uu ahaa qof aftahana oo dadka si fudud kusoo jiidan kara sidoo kalana waxa uu ahaa shakhsi deeqsi ah aadna ugu jajaban asxaabtiisa halka dhinaca kale uu ahaa manaxe aan digigixan oo dhiigya cab-ah
arintaasi way u cuntami wayday jamucha waxaanu dagaal lagalay temunjin sanadku markuu ahaa 1187-kii oo ayay dagaal iskaga hor imaaden deeganka dalan baljut
dagaalkana waxa ay guushu ku raacday jamucha iyada oo si wayn loogu jabiyay temunjin
muddo kadib temunjin dib ayuu isku soo abaabulay waxaana uu markale dagaal la galay jamucha markan se temunjin waa uu ka adkaaday dhigiisi jamucha.
intaa kadib temunjin waxa uu qabaiiladii deganaa mangolia ee isaga ka soo horjeeday weeraro ku qaaday si uu u mideeyo qabailada mangolka
temunjin waxa marba marka kasii danbaysa kor usii kacaysay samayntiisa hogamineed ee uu ku laha gudaha mangolia taasina waxay keentay in uu yeesho tagerayaal badan oo la dhacsan isaga si lamida waxa uu yeeshay cadaw badan oo isaga ka soo horjeeda una arkay khatar wayn oo kusoo foodle iyaga, gaar ahaan qabiiladii degana magolia qaar ka mida
dagaalo dhawra oo uu galay ghengis khan waxa u suura gashay in uu gacanta ku dhigo dhamaan qabiiladi degana mangolia isaga oo u noqday madaxa ugu sareeya ee qabailadii degana halkaa
sanadku markuu ahaa 1206-kii genghis khan waxa uu qabtay shirwayne balaadhan oo la idha kurultai oo lagu qabtay wabeiga onan ee isku xidha rusia iyo mangolia bartaa waxa uu ku shaaciyay magaciisa cusub ee genghis khan isaga oo saa ku noqday hogamiyaha buuxa ee mangolku ay leeyihiin
magaca genghis khan way isku khilaafsan yihiin taariikh yahanadu macnihiisa saxda laakin waxa jirra mala,awaalo lagu qayaxayo macnaha dhabta ah genghis khaan.
taarikhyahanada qaar ayaa qaba magacan genghis in looga jeedo tengis oo ah eray turki ah oo noqonaya bada halka khan sida la hubo micnihiisu yahay hogaamiye ama boqor sidaana uu magacu ku noqonayo hogamiyihii bada
genghis khan waxa uu bilaabay in uu isku dubarito maamulkii isaga oo sameeyay ciidamo aad u xoogan, inkasta oo talada mangolia gacanta uu ku dhigay hadana waxa jiray kacdoono ay kaga soo horjeeden qaar kamida qabiiladii uu dagalada kaga adkaaday
genghis khan waxa uu ahaa sidaan horre u sheegnay hogaamiye aan digigixan oon aqoon wax naxariisa hadii uu kaa gacan sarreeyo.
wax yabaha laga sheego intii uu dagaalka kula jiray qabiiladii mangolia ay wada daganaayen waxa ka mid in qabiil ka mida qabiiladii ay is hayn markuu ka adkaaday amray ciidankiisii in ay nolosha ku kar-kariyaan todobaatan ka mida madaxyo wayntii reerka
waxa uu gacan bira ku qabtay qaba,iladii deganaa mangolia isaga oo qasab kaga dhigay in ay si shuruud la,aana ku adeecan maamulkiisa
si uu uga hortago waxkasta oo ka hor iman kara xukunkiisa waxa uu sameeyay nidaam cusub oo la idhaa minqaam kaas oo ahaa in qofkasta oo gaadha dada qaangaadhka ee 15jirka ilaa todobatan jirka in lagu daro kuliyad ciidan oo ka kooban kun askari taaso loo sii kala qaybin jirray boqolaal cutub
minqaan kasta waxa uu u shaqaynayay sidii unugyo siyaasadeed iyo mid bulshaba halka dagaal yahanadii qabaa,iladii laga adkaaday loo kalafirdhiyay minqaadyo kala duwan si loo lumiyo awodooda is bahaysi
sidaana waxa uu ku aasaasay dawlad xooggan oo duulano badan ku qaaday badiba dawladihii iyo boqortooyoyinkii ka jiray dunada ee waaga ugu tunka waynaa
hadaba halkaa waxa aanu kusoo gunaanadaynaa taarikh nolaleedkii genghis khan intii u dhaxaysay dhalashadiisa ilaa inta uu ka aasaasayay dawladiisi dhiigya cabka ahayd ee mongol empire.
qaybta kale ee taarikh nolaleedkiisa waxa aanu hordhac uga dhigi doona sooyaalkii iyo taarikhdii xukumadii uu madaxda u ahaa ee mangolka anaga oo u kala qaybin doona dhawr qaybood hadu alleh raali ka noqdo
qaybaha xigga
- qaybta koobad waxa aanu ka dhigi doona duulankii uu ku qaaday boqortoyadii chine ka talin jirtay
- halka qaybta labaad aanu ka dhigi doono duulankii uu kusoo qaaday dhulalkii boqortoyoyinkii muslimiinta isaga oo gumaaday malaayin muslimiina
- insha allah qabta taa ku xigtana waxa aanu ka dhigi doona weeraradii uu ku qaaday qaybo ka mida europe
la soco qaybaha xigga insha allah