black death waxa uu ahaa daacun ku faafay dunida inteeda badan isaga oo aad ugu faafay qaarrada europe isla markaana waxyeelo aad u daran gaadhsiiyay, intii u dhaxaysay sanadadii 1346-kii ilaa 1353-kii miiladiga sanadada kooban waxa uu qaarrada europe u dhintay daacunkan dad gaadhaya 25 ilaa 50 milyan oo ruux
waxa la rumaysan yahay in uu daacunkan asal ahaan uu ka imid badhtamaha asia kadib markii ay dagaal yahanadii iyo ganacsatadii mangolka ee gaadhay qaybo kamida barriga europe ay qabeen caabuqan taas oo markii danbe ku faafay barriga europe gaar ahaan jasiirada crimea-ka ee ku taala waqooyiga badamadaw isaga oo uga sii gudbay cariga talyaniga
cudurkan ama caabuqan waxa keena bacteria-da loo yaqaano bacillus- yersinia pestis (y. pestis) waxaana xambaara ama sii faafiya dulinada dadka la nool iyo noocyo kamida jiirka kuwaaso si fudud ugu gudbinkara bina aadamka
waxa jirray saddex nooc oo u kala baxo cudurkani ama caabuqan
- pneumonic plague waa nooc ka mida caabuqa iyada oo la isugu gudbin karo neefsashada isaga oo qofka kaga dhacaya sambabada
- bubonic plague waa nooca ugu badan ee caabuqa waana marka noolaha sida bacteria cabuqan qaniinto qofka taaso sababta in uu qofku barar ku yeesho kala goys yada kuwaas oo loo yaqaano buboes
- septicemic plague nooca caabuqan waa marka bacteria-du ku badato dhiiga waxaanay noqon kartaa labada caabuq ee aynu kor kusoo xusnay
maxaa sababay cudurkan ?
daacunkan ayaa kamida cudurada sida dhaqsaha ah u faafa waxaana keena bacteria-da bacillus -yersinia pestis taas oo ay sidaan dulinada la nool dadka iyo nooc kamida jiirka oo loo yaqaano “brown rat” waxana jirra dulino kale oo ku nool maqaarka dadka kuwaaso qayb ka ahaa faafida cudurkan
waxa lagu muransan yahay xiligii ugu horeeyay ee la arko bacteria-dan keenta cudurkan iyada oo taarikh yahanada qaar ay tibaaxeen in la arkay 7,000 oo sano ka hor, ilaa hada si saxa looma garanayo goobtii ugu horeysay ee uu ka dilaacay laakin waxa aragtiyaha qaar sheegayaan in markii ugu horaysay lagu arkay badhtamaha asia
markii ugu horaysay ee caabuqan lagu arko
\ europe waxa ay ahayd intii lagu gudda jiray go,doomintii dekeda ganacsiga ee magaalada caffa ee ku taala jasiirada crimea-ka taaso ay go,domiyeen ciidankii golden horde ee hoos iman jiray boqortooyadii mangolka sanadkii 1347-kii
cudurkan loo yaqaanay dhimashada madaw (black death) waxa uu ahaa aafadii labaad ee ugu waynayd ee soo marta qaarada eurobe, waxa jirtay aafo ka wayn cudurkan ama caabuqan oo soo maray qaarada europe xiliyadii dhexe, waxaana ay ahayd abaar wayn oo ku dhufatay sanadadii 1315-kii ilaa 1317-kii milaadiga iyada oo galaafatay dad gaadhaya qiyaas ahaan boqolkiiba soddon ilaa boqolkiiba lixdan dad waynihii reer eurobe ku noola
magac bixinta cudurkan
markii uu cudurkani si ba,an ugu faafay qaarada europe isla markaana uu u gaystay waxyeelooyin aad u badan waxa bilaabmatay in cudurkan loo sameeyo eray bixino aad ubad kuwaaso ka turjumaya sawirka dhabta ah ee uu leeyahay cudurkan
qoraayal reer europe ah oo la nool cudurkan daacunka ayaa luuqada latinka ku tilmaamay cudurkan sida cayayaan oo kale si lamida waxay ku sifeeyeen markale in uu yahay belaayo ama masiibada faafta, halka luuqada ingiriisiga loogu yeedhi jiray dhimashada wayn
eraygan dhimashada madaw (black death) waxa markii ugu horraysay adeegsaday taarikh yahanadii iswedhishka iyo denishka ahaa iyaga oo markii ugu horaysay adeegsaday horaantii qarniyadii 15aad ilaa 16aad, intaa kadib waxa ay eray bixintan cusubi ku faaftay guud ahaan afafkii reer europe oo markii hore looga yaqaanay cudurkan dhimashada wayn
cariga ingriiska
boqortooyadii ingriiska waxay ahayd meelihii ugu badnaa ee dhibanaha u noqday daacunkan isaga oo waxyeelo aad u wayn gaadh siiyay caabuqani, markii ugu horeysay ee lagu arko caabuqan gudaha ingriiska waxa ay ahayd bishii june 1348-kii
kiiskii ugu horeeyay ee lagu arko gudaha ingriiska waxa uu ahaa bad mareen u dhashay dalka ingriiska kaas oo soo gaadhay gudaha englan isaga oo ka imid gobolka gascony halkaas oo markii danbe uu ugasii gudbay dalka oo dhan, cudurkan faafitankiisa waxa qayb wayn ka qaatay jiirka iyo duqsiga uu ku dhacay cudurkani isaga oo jiirku uu ka mid ahaa kaydka ugu wayn ee uu ku gabato bacteria bucillis y.pestias ee keenta caabuqan
lama hayo tirro saxa oo laga qiyaas qaadan karo dhimasha uu u gaystay caabuqani gudaha england laakin waxa taaarikh yahanadu ku qiyaaseen in ay caabuqan u dhinteen boqolkiiba 25 ilaa 60 dad yawgii ku noola england
waxa jiray qiyaas uu sameeyay nin la odhan jiray josiah william russell oo ahaa muwaadin ingriisa josiah waxa uu sameeyay qiyaas uu ku qiyaasayay dad yawga hantiila yaasha ah ee u dhimanaya cudurkan si uu u ogaado saamaynta cudurkani ku leeyahay gudaha ingiska
si lamida waxa uu tirra koobay diwaanka dhimashada ee kiniisadaha dalka isaga oo tirra koobaya badariyada u dhimanaya cudurkan, tirra koob yadii uu ku sameeyay badariyada u dhimanaya cudurkan waxay gaadheen boqolkiiba afartan ilaa konton baadariyadii joogay kiinasaduhu halka tirada maal qabeenada dalka ee u dhimanaya cudurkani noqdeen boqolkii ba saddex iyo labaatan
daacunkani kuma uu ee kayn oo qudha gudaha europe sidoo kale waxa uu gaadhay meelo ka baxsan qaarada europe sida barriga dhexe isaga oo dilay dadyaw aad u badan si lamida waxa lagu arkay qarada ameerica iyo meelo ka mida waqooyiga africa
insha allah waxaanu isku dayi doona in aanu maqaalkale ka samayno aafadan galafatay dadyawga aadka u badan anag oo kaga warami doona wax yeeladii uu gaadh siyay dunida inteeda kale siiba qaarada asia gaar ahaan barriga dhexe oo uu waxyeelo aan ka yarayn ta qaraada europe ay ka soo gaadhay masiibadan rabaaniga