1000 F 809834420 1PoPMMqIu3lulayHjFBCEaDhFPvHbB1T

way adag tahay in la is barbar dhigo coronavirus iyo safmarkii faafay sanad-kii 1918 ilaa 1920-kii ee loogu magac daray hargabkii spain kaaso galaaftay dad tiradooda lagu qiyaasay konton million oo ruux iyada oo ilaha qaar ay gaadhsiiyaan in kabadan intaa

laga bilaabo sanadkii 1918-kii ilaa 1920-kii waxa dunida si xawliya ugu faafay hargab-kii loo yaqaanay spanish-flu ama hargabka spain, isaga oo ku dhacay saddex meelood marka loo qaybiyo meel ahaan dad-kii dunida ku noola, iyada oo kiiskii ugu horeeyay la diwaan galiyay sanad-kii 1918-kii kaaso lagu arkay magaalada kansas ee cariga maraykanka halka si lamida xiligaa kiisas kale laga diwaan galiyay faransiiska iyo boqortooyada ingriiska

kadib markii uu dhamaaday dagaalkii kowaad ee dunidu waxa si kadisa looga war helay dilaa cusub oo dadka u laynaya taran-taran, xiligaa dawladahii reer yurub waxa ay ku hawlanaayeen kasoo kabashada bur-burkii laga dhaxlay dagaalkii koowaad ee dunida taas oo sababtay in ay xakamayn kari waayaan wargays yadii faafinayay wararka ku saabsan xanuunka saf-marka ah ee ka dilaacay qaybo kamida europe iyo maraykanka taaso warwar badan ku abuurtay bulsha wayntii reer galbeedka

inta badan hargab kani waxa dhibane u ahaa dadka da,ahaan aan waynayn sida dhalinyarada iyada oo ay war bixinada qaar tibaaxayaan in dadka ugu badan ee u dhintay caabuqani ay u badan yihiin dadka dhalinyarada inkastoo aan si wayn la isugu waafaq sanayn jiilka uu caabuqu wax yeelada ugu badan gaadhsiiyay hadana waxa jiray warbixino sheegaya in dadka ugu badan ee dhibanaha u noqday ay ahaayeen dadka dhalinta,ah siiba da,da u dhaxaysa 20-30 jirka

sababaha ugu wayn ee kor u qaaday tirada dhimashada waxa loo aanaynayaa nafaqa-daro baahsan iyo xeryaha caafimaadka oo buux dhaaf ahaa taaso sababtay in goobihii caafimaadka nadaafadoodi is dhinto, arimahan oo dhanina waxa ay kor u qaadeen in wax yeelada caabuqu si aada u korodho

spanish flu ama hargabka spain waxa uu ahaa hargabkii ugu horeeyay ee noocisan oo kala ee dunida lagu arko iyada oo ay jiraan hargabyo kale oo la arkay xiliyadii ka danbeeyay hargabka spain (spanish flu) sida hargabkii ruushka ee dhacay sanadkii 1977-kii iyo hargabkii doofarka ee dhacay sanadkii 2009-kii kuwaaso sababay dhimashada dad badan

Associative names

waxa jiray magacyo kale oo faafay oo loo yaqaanay hargabkan cusub, jarmalku waxa ay ugu yeedhi jireen cayayaanka ruushka halka ruush-kii hore u yaqaaneen hargabka faafa ee shiinaha ( epidemic influenza the chinese catarrh )

meelihii ka baxsanaa spain ee uu haleelay cudurkan saf-marka ahi waxa markiiba loogu magac daray hargabkii spain taaso ay sabab teeda lahayd colaadii ka jirtay gudaha eurupe oo dawladii spain awood u yeelan wayday inay faaf-reeb ku samayso wargays-yadii spanish ka ahaa oo qayb wayn ku lahaa saamaynta uu hargabku ku yeeshay gudaha dalka spain

war gayska wayn ee laga leeyahay gudaha ingriiska ee times london ayaa daabacay bishii june 1918-kii markii uu soo if-baxay safmarka spain maqaal uu ciwaan keedu ahaa spanish flu ,waxa sidoo kale jiray warar ay tabinayeen wariyaasha ka shaqeeya gudaha spain oo si aan xilkasnimo ka muuqan u faafinayay warar been abuur u badan oo la xidhiidha saf-marka spain taaso bulshadii dunidu u aqoonsatay in uu yahay safmar ku kooban gudaha spain

dawlada spain waxa ay ahayd dawlad meel dhexaada oon lahayn mishiino dacaayadeed si loo kobciyo niyada dadka sidaa darteed wargays yada spain si xor,ah ayay uga soo waramayeen saamaynta hargabka

saxaafada faransiisku waxa ay markii hore adeegsadeen eray bixin ah hargab-ka amerika iyaga oo gadaal ka badalay eray bixintan una badalay hargabka spain, halka gudaha spain looga yeedhi jiray hargab-ka faransiiska

waxa jiray wadama dhawra oo ku yaalay qaarada africa oo uu saameeyay safmarkii ka dilaacay gudaha europe waxaana jirtay eray bixino ku sumadaysan wadamo gaara oo looga yaqaanay qaybo ka mida meelihii uu halleelay safmar-ku tusaale senegal waxa loogu yeedhi jiray hargab-ka brasil halka koonfur africa looga yaqaanay hargab-ka ninka cad

kadib dhamaadkii dagaalkii koowaad ee dunida dhaqaatiirtii milatery ee dalka faransiisku waxa ay markii hore ugu yeedhi jireen safmarkan ( disease 11 ) ama cudur-kii 11-aad, halka dhaqaatiirta jarmalku ugu yeedhen (laatin pseudo false) oo noqonaysa laatin-kii been abuur-ka ahaa taaso keentay in ay xaqiraan jiritaanka dilaagan cusub, si kastaba ha ahaate hadana waxa jiray magac guud oo loogu yeedhi jiray hargabkan kaasoo ahaa hargabka wayn (great influenze epidemic)

wajigii koowaad ee caabuqa(1918-kii )

sidii aanu hore u sheegnay kiiskii ugu horeeyay waxa laga diwaan galiyay gudaha maraykan-ka iyada oo laga helay askri cunto kariye ah kaaso la odhan jiray alberto gitchell, waxa jiray kiisas hore oo lagu arkay isla gudaha maraykan-ka kuwaaso dhaqaatiirtii maxaliga ahaa ay la wadaageen tafatirayaashii caafimaadka dadwaynaha ee ka hawl galayay maraykanka

maalmo yar kadib 4-tii maarso-1918-kii waxa laga diwaan galiyay kiiskii ugu balaadhnaa ee laga hello gudaha maraykan-ka iyaga oo laga diwaan galiyay 522 nin oo kujiray gudaha xerada camp funston, lix-maalmood kadib waxa hadana gudaha new-york lagu arkay dad qaba xanuunka hargab-ka, intaa wixi ka danbeeyay xanuunkan safmar-kii waxa uu gudaha maraykan-ka u kala gooshayay masaafooyin dhaadheer

caabuqan cusub in uu si baahsan ugu faafo gudaha maraykan-ka waxa sabab u ahayd xeryihii lagu toobarayay ciidamadii loo diyaarinayay duulanada dagaaalkii koobad ee dunida isagoo si aada ugu faafay xerada comp funston oo ahayd markaa garoon wayn oo ciidamada lagu siiyo toobaro kala duwan

dhankaa iyo europe waxa uu kasoo galay caabuqani saldhig yadii ciidamada ee laga abaabulayay dagalkii koowaad ee dunida iyada oo markii ugu horaysay ee caabuqa lagu arko ay ahayd horaantii 1918-kii oo lagu arkay saldhigyadii ciidamada ilaa markii danbe uu u gudbay magaaloyin-kii waawaynaa ee eurupe

dawlada jarmalku markii ay ka war heshay safmarkan lagu arkay badhtamaha europe waxa ay bilawday in ay jeelasheeda ka sii dayso maxaabiistii ay ka qabsatay ruushka intii uu socday dagaalkii koowaad, kuwaaso ay rumaysnayd in ay qayb ka yihiin faafitaan-ka caabuqan cusub

wajigii ugu horeeyay ee hargab-ku waxa uu socday rubucii ugu horeeyay ee 1918-kii wuxuuna ahaa nooc fudud iyada oo la sheego in ay heerarka dhimashadu aanay aad u sarayn, dalka maraykan-ka dhimashada hargabku waxa ay gaadhay 75,000 oo ruux lixdii bilood ee ugu horeeyay, halka spanishka 1,000 ruux laga soo diwaan galiyay intii u dhaxaysay bishii may ilaa june

wajigii labaad ee caabuqa

wajigii labaad waxa uu bilaabmay wixii ka danbeeyay bishii agoosto 1918-kii iyada oo u ku fiday goballo ka mida maraykan-ka sida gobolka boston, massachuest iyo freetown halkaaso la sheego in caabuqa ay geeyeen ciidamadii maraykan-ka ee tababarada ku qaadanayay saldhig yadii ku yaalay aagaas, taaso keentay in mudo laba bilood gudahood uu ku fido hargabku dhamaan waqooyiga america oo dhan iyada oo uga sii gudubtay bartamaha iyo koonfurta america

bishii luulyo -1918-kii boqortooyadii cismaaniyiintu waxa ay diwaan galiyeen kiiskoodi ugu horeeyay kaaso laga helay askari ka tirsan ciidanka cismaaniyiinta

intaa wixii ka danbeeyay musiibadu waxa ay si tartiib tartiiba ugu sii fidaysay dunida inteeda kale iyada oo kiisas badan laga hellay galbeedka africa, taaso ciidamadii gumaytuhu sabab u ahaayeen in uu soo gaadho caabuqan gudaha africa

dhimashadii ugu horaysay ee lagu arko gudaha new-york waxa ay ahayd bandhigii xoriyada philadelphia ee 28-kii sebtembar 1918-kii taaso lagu bogaadinayay xukuumada ka qayb qaadashadii dagaalkii koowaad ee dunida, isku soo baxani waxa uu sababay in dadku si fudud u kala qaadan caabuqan cusub arintaaso sabab u noqotay markii danbe inay caabuqan u dhintaan dad gaadhaya laba iyo toban-kun oo qof

wajigan labaad ee cudurkan safmar-ka ayaa aad uga waxyeelo badnaa wajigii hore, wajigii hore waxa uu u muuqday mid sahlan oo kamida cudurada faafa ee hargabka iyada oo cida aadka ugu nuguli ahayd dadka da,da ah iyo dadka xanuunadaa la nool halka dadka dhalinyarada iyo dadka caafimaadka qabaa ay markiiba ka bogsanayeen

october-1918-kii waxa ay ahayd bishii ugu dhimashada badnayd isaga oo gaystay wax yeeladiisi ugu badnayd, dalka maraykan-ka oo qudha waxa uu bishaaso kaliya u dhintay caabuqan dad gaadhaya 292,000 oo qof halka dalka netherland laga soo wariyay dad gaadhaya 40,000 oo qof ay u dhinteen caabuqan halka dhinacaa iyo caasimada hindiya ee bombay ay kasoo baxayeen warar sheegaya in ay u dhinteen dad ku dhaw 15,000 oo qof isaga oo ku dhacay dad lagu qiyaasay 1.1 milyan qof, halka guud ahaana la sheegay in uu hindiya oo qudha ay udhinteen rubicii ugu horeeyay ee caabuqan dad ka badan 10 milyan oo ruux

wajigii saddexaad ee caabuqa (1919-kii )

iyada oo laga joogo mudo sanada xiligii uu faafay hargab-kan cusub ayaa hadana waxa la arkayay in meelaha qaar uu isasoo tarayo kor u kaca caabuqa taaso ay sabab u ahayd cimilada meelaha qaar ka jirtay inkastoo lagu jiray xili jiilaala

inta badan spain waxa saameeyay waji-yadii kala danbeeyay ee caabuqan kaaso tiraba dhawr jeer kusoo noq-noqday isaga oo wax yeelooyin badan gaadhsiiyay gaar ahaan intii u dhaxaysay bishii january ilaa april 1919-kii iyada oo hargab-ku wada gaadhay dunida inteeda badan hadana waxa jiray meela aanu gaadhin iyo meelo uu mar danbe gaadhay

dalalka sida wayn uga hortagay in uu caabuqu soo gaadho gudaha wadamadooda waxa ka mid ahaa australiya oo aad u adkaysay xuduud badeed keedii taaso ka caawisay in aanu caabuqu xili hore soo gaadhin gudaha dalka iyadoo markii ugu horaysay ee lagu arkaa ay ahayd bishii janaayo ee 1919-kii

talaabooyin-kii karantiil ka ahaa ee lagu soo rogay wadamada qaar ayaa sababay in uu yaraado meelaha qaar faafida caabuqu, inkastoo wadamada qaar ay kasoo kabanayeen caabuqa hadana waxa jiray wadamo kale oo lagu arkaya kiisas koodi ugu horeeyay sida jasiirada madagastar oo xili danbe lagu arkay caabuqan kaaso gudaha dalka si baahsan ugu fiday

wajigii saddexaad ee caabuqan waxa uu si gaara wax yeello u gaadh siiyay wadamada spain, serbia, mexico iyo great britain taasoo uu sabab u noqday boqollaal kun oo dhimashaa, iyada oo dhimashadu aad uga sii badnayd wajigii hore

wajigii afraad ee caabuqa (1920-kii )

waxa jirtay cabsi laga qabo in markale uu dib usoo rogaal celiyo caabuqan laakin khubarada qaar ayaa qabay in aanu mar kale dib usoo dilaaci doonin iyaga oo soo daliishanaya hargab-kii ruush-ka ka dilaacay sanadkii 1889-1890, dhinaca kale waxa jiray aragtiyo kale oo ay qabeen bahda caafimaadka oo sheegay in ay suurta gal tahay in markale uu dib u dilaaco caabuqani- waxana ka mid ahaa dhaqtarka guud ee maraykanka rupert blue

dabayaaqadii sanadkii 1919-kii waxa caabuqu markale ka dilaacay dalka japan isaga oo si xawliya ugu fiday dalka oo dhan iyada oo loo aanaynayo cimilada, waxa la soo saaray talaabooyin lagu xakamayanayo faafida caabuqa iyaga oo masuuliyiinta caafimaadku ku taliyeen in la xidho af-saab-ka

intii u dhaxaysay october-1919 ilaa january 1920-kii waxa la diwaan galiyay gudaha dalka japan kiisas gaadhaya 780,000 oo qof halka dhimashadu gaadhay 20,000 oo qof taaso ka dhignayd xaaladii ugu darnayd ee uu la kulmo dalka japan intii uu socday faafida caabuqu si kastaba ha ahaate awooda caabuqu marba marka ka sii danbaysa way soo daciifaysay inkastoo hadana si ba,an uu ugu faafayay meelaha qaar hadana wax-yeeladiisu waxay ahayd mid kooban

inkastuu galay sanadkii saddexaad oo xidhiidha oo caabuqu waxyeela ba,an u gaysanayay guud ahaan dunida gaar ahaana dawladihii reer galbeedka oo uu bilawgii hore ka dilaacay sababo la xidhiidha dagaalkii koowaad ee dunida ayaa waxa hadana isa soo tarayay rajo ah in uu caabuqu ku jiro wajigiisii ugu danbeeyay iyada oo loo dhinbiil qaadanayo saamayntiisi oo ka yaraatay sidii hore taaso ay sabab u ahayd karantiinadii iyo xayiraadihii lagu soo rogay magaalooyinkii uu saameeyay si loo xakameeyo faafida caabuqa

similarly post