j.robert openheimer caalim ku takhasuusay cilmiga physics-ka ahaana madaxii mashruucii la odhan jiray los-alamos ee lagu ikhtiraacay hubka nukclear-ka intii lagu guda jiray dagaalkii 2aad ee dunida
j.robert openheimer waxa uu dhashay sanadku markuu ahaa 1904-tii isaga oo ku dhashay magaalada new york ee cariga maraykan-ka, openheimer waxa uu ka soo jeedaay qoys asal ahaan yahuud-ah kana tirsanaa maal qabeenada ku nool magaalada new yo
robert oppenheimer waxa uu hayaankiisii waxbarsho ka bilaabay isla magaalada new york isaga oo shahaadada degree-ga ka qaatay jaamacada hard-ford university sanadkii 1925-kii kadib waxa uu uga gudbay jaamacada cambridge university ee cariga ingriis-ka hadana markale waxa uu uga sii gudbay jaamacada gothingen university ee dalka jarmalka oo uu sanadkii 1927-kii ka helay shahadada Ph-D MODERN PHYSICS-ka
intaa kadib markii uu kusoo laabtay cariga maraykanka waxa uu noqday macalin jaamacaded isaga oo bare sare ka noqday jaamacada california kadib baadhitaano badan oo uu sameeyay sanadku markuu ahaa 1942-kii oppenheimeer waxa shaqaale uu ka noqday mashruucii manhattan
manhattan waxa uu ahaa mashruuc aqooned lagu kuur galayay suurtagalnimada samaynta hub awoodiisu aad u sarayso si loo helo hub awood ahaan iyo taya ahaanba ka hor marsan kan hada la isticmaalayo oo ay saamayntiisu aad badantahay, isla waqtigaana waxa si lamida isna mashruuc noocanoo kale ah oo lagu hormarinayo madaafiicda waday dalka germal-ka oo waaga aqoon ahaan ka sareeyay dhigiisa maraykan-ka isaga oo waqti yar kahor ikhtiraacay madfacii ugu waynaa ee dal sameeyo
sanad kadib markii la aas-asay mashruucii baadhida horumarinta hub-ka, waxa oppenheimer oo markii hore ahaa shaqaale ka tirsan culimadii badhitaanka samaynaysay mashruucii manhattan ayaa waxa loo wareejiyay xarunta los alomas oo ku taalay gobolka new maxico halkaaso markii danbe lagu ikhtiraacay bomb-badii ugu horaysay ee nuclear -ah
hadaba si loo tijaabiyo wax yeelada ay gaysan karto waxa lagu tijaabiyay deegan macmala oo laga sameeyay gobalka new mexico, waaga maraykanku waxa uu haystay afar madax oo nuclear-ah mana jir wadan kale oo haystay hal madax oo nuclear-ah
isbuuc-yo kadib marki la sameeyay tijaabada nuclear-ka maraykan-ku waxa uu qaatay qarraar ah in uu bomb-bada xigta ku qarraaco dalka japan
taarikhdu markay ahayd august-6-1945-kii xilli aroora 8:15 daqiiqo ayaa hal mar waxa is badalay jawiga magaalada hiroshima iyo nagasaaka kadib markii amar lagu siiyay shaqaalihii diyaarada waday in ay magaaladiba ku dhuftaan hal madax oo nuclear-ah oo midkiiba culays kiisu dhan yahay 10 ilaa15 kun oo tan
qiyaasta dadkii ku dhintay bomb-badaa nuclear-ka ah waxa lagu qiyaasaa dad gaadhaya inta udhaxaysa boqol kun ilaa laba boqol oo kun oo qof iyada oo shucaaci ka dhashay bomb-bada nuclear-ka ah ilaa hada wax yeeladisii laga dheehan karro qaybo ka midda labada magaalo ee hirroshima iyo nagasaki kadib waxyeeladii uu gaystay bombkii nuclearka ahaa waxay oppenheimer ku noqotay arin muruga-leh in uu sabab u noqday bur-burka magaaloyin waawayn iyo dhimashada dad aad u badan
dagaalkii labaad ee dunida kadib robert oppenheimer waxa uu go,aan saday dhisida haayad ladagaalanta samaynta hubka nuclear-ka laakiin muddo yarba kadib 1958kii waxa albaadada la isugu dhuftay haayadii uu aas-asay kadib markii lagu eedeeyay inu uu xubin ka yahay nidaamka shuuciyada
tani waxa ay kusii kor dhisay murugadii iyo walaaca uu ka qaaday natiijadii ka dhalatay khasaarihii uu gaysatay hubkii uu gacantisa ku sameeyay taas oo sabab u noqotay dhimashadiisa isaga oo u dhintay murugo iyo ciil sanadkii 1967-kii